|

Hogaamiyihii Al Shabaab ee Bakool oo la dilay

Muqdisho December 28, 2023 (QJ) – -Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay inta u dhaxeysa Garasweyne iyo Xudur ee gobolka Bakool.

Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa ka warbixiyay in ay howgalkaa ku dileen hogaamiyihii Al-Shabaab ee gobolka Bakool oo lagu naaneysi jiray Xiirane.

Taliyaha Ururka 9-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala Gobolka Bakool Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan, ayaa xaqiijiyay dilka Taliyahaa.

Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan ayaa xusay in horjoogahaasi sidoo kale lala dilay qaar kamid ah ilaaladiisa. Al-shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin sheegashada ciidamada dowladda.

Comments are closed