|

Wasiirada Puntland oo dhalilay dalada musharixiinta mucaaridka

Garoowe December 28, 2023 (QJ) -Wasiiro ka tirsan dowladda Puntland iyo siyaasiyiin hore oo ka soo jeeda deegaanada SSC-Khaatumo ayaa war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen maanta waxay ku dhaliileen go’aanadii ay shalay ku dhawaaqeen musharaxiinta xilka madaxweynaha Puntland.

Warsaxaafadeed ay soo saareen xubno ka tirsan dowladda Puntland oo ka soo jeeda deegaanada SSC-Khaatumo ayaa waxay ku sheegeen in go’aankii shalay ay musharixiinta mucaaradku ku diideen in xildhibaanada SSC-Khaatumo lagu daro baarlamaanka Puntland aysan waafaqsanayn dastuurka Puntland.

Xubnahan ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay inay taageersan yihiin guddiga xallinta khilaafaadka iyo soo xulista xildhibaannada, isla markaana aan lagu farogelin shaqadooda.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay siyaasiyiinta iyo Wasiirada Maamulka Puntland ee ka soo jeeda Gobolada SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale looga digay Musharaxiinta xilka madaxweynaha Puntland in Xildhibaanada Beesha Dhulbahante aanay ka dhigan arin ay ku gorgortamaan.

Comments are closed