|

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Odinga oo Shaaciyey Tallaabooyinka uu Qaadayo Natiijadii doorashada uu ka hadhay ka dib

Nairobi 31. October 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka Kenya ee NASA, Raila Odinga ayaa maanta sharaxay go’aamada uu ka qaatay doorashadii Isniintii la soo afjaray. Wuxuu ku celiyay in weli uu aaminsan yahay in aysan doorasho dhicin, wuxuuna tilmaamay in uusan aqoonsanayn maamulka Uhuru Kenyatta.

Guddiga doorashada ee IEBC ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada oo Uhuru uu ka helay 98 boqolkiiba, codadkii la dhiibtay. Raila Odinga ayaa helay 39 boqolkiiba, sida uu sheegay Wafula Chabukati.

Hadaba halkan ka aqriso go’aamada uu qaatay hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga. “Doorasho aan waxba ka jirin waa in aanan la aqbalin” Raila Odinga oo aysan garabkiisa ka muuqan hoggoomiyayaashii kale ee mucaaradkiisa NASA xilligii uu hadalka jeedinayay, ayaa ku dhawaaqay go’aamo culculus.

Wuxuu xisbiga Jubilee iyo guddiga doorashada ee IEBC ku eedeeyay in ay diideen go’aankii maxkamadda, fikradaha caalamka iyo hadalka xubin sare oo ka mid ahayd guddiga Roselyn Akombe oo shaqada ka carartay.

“Guddoomiyaha IEBC, Wafula Chabukati ayaa xaqiijiyay in aysan doorasho xor ah qaban karin, hadana wuxuu qabtay mid aan waxba ka jirin.” ayuu yiri Raila oo warbaahinta la hadlay. Ka dib markii hadalka uu dhammeeyay Raila, waxaa soo istaagay seddaxda kale ee ay isla hoggaamiyaan mucaaradka ugu wayn Kenya ee NASA.

“Waxaan si joogto ah u sheegaynay in doorashadan ay ka xumaan doonto kuwii horay uga dhacay dalka,” ayaa lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiiska mucaaradka. “Dunida waxay marqaati ka noqotay in doorasho aysan dhicin. Warbaahinta caalamka waxay ku tilmaamtay doorasho aan si fiican loogu soo bixin.” Ayuu xusay Raila.

“Ololaha iska caabinta qaran”

Raila Odinga ayaa ku celiyay hadal uu jeediyay isbuucii tagay oo ahaa in uu sameynayo howlgal uu ugu magacdaray “ololaha iska caabinta qaran.” “Dhaqdhaqqaqa iska caabinta qaran wuxuu masuul ka ka noqon doonaa fulinta barnaamij xoog leh oo siyaasadeed sida, go’doomin dhaqaale, dibadbaxyo nabadeed iyo isu soo baxyo kale oo sharci ah,” ayuu sheegay Raila oo saxaafadda iyo shacabka Kenya la hadlay.

Rabshado dhacay intii codeynta ay socotay waxaa ku dhintay dhowr qof, kuwa badanna waxaa la geeyay cisbitaallo. Taageerayaasha Raila ayaa hor istaagay in codeynta ay ka dhacdo goobaha qaar, taas oo sabab u ahayd in la joojiyo doorashadii ka dhici lahayd afar deegaan.

“Haddii dadka aysan cadaalad helin, marka waa in dowladdana aysan nabad galin,” ayuu ku daray hadalkiisa. Uhuru Kenyatta ayaa ku guuleystay doorashada ku celiska ah ee maxkamadda sare ee Kenya amartay ka dib markii guushiisii hore la diiday.

Guddiga doorashada ee IEBC ayaa ku doodaya in doorashada ay u dhacday si xor ah. Waxayna ku baaqeen nabad. Laakiin mucaaradka waxay ku adkeysanayaan in la xoogay, tiradana codeysayna been laga sheegay. Hadaba, dad badan ayaa shaki ka qaba in “ololaha iska caabinta” uu sababo amnidaro ama rabshado ka dhaca Kenya.

“Gole Dadweyne”

“Dowladaha dastuurka kama sareeyaan, dastuurkana dadka kama sareeyo” ayuu ku billaabay hadalka Raila markii uu ka hadlayay qodobka. Mr Odinga wuxuu dowladda cusub u arkaan mid aan sharci ahayn, wuxuuna ku doodayaan sida codeynta ay u dhacday iyo marxaladda lagu qabtayba in aysan waafaqsanayn sharciga.

“Shacabka waa in ay soo ceshtaan awoodooda madaxa bannaan. Taasina waa sababta uu dastuurka u ogolaanayo in dadka ay xurriyadooda u madaxbannaanaadaan.” “Waxaa hadda qasab nagu ah in aan soo ceshano dimuquraadiyadda, dastuurka iyo kala dambaynta,” ayuu yiri hoggaamiyaha mucaaradka Kenya.Wuxuu intaa ku daray, “Waxaan maanta ku dhawaaqeynaa aasaaska gole dadweynaha, wuxuu dardar gelinayaa soocelinta dimuquraadiyadda.”

Wuxuu ka koobnaan doonaa xubno siyaasadeed oo la soo doortay iyo hoggaamiyayaasha qeybaha kale ee bulshada, sida lagu xusay qoraalka uu mucaaradka soo saaray. “Shaqaalaha, ururada bulshada rayidka ah, culimada diimaha, hoggaamiyayaasha, dhallinyarada iyo ganacsatada ayaa qeyb ka ah.”

Laakiin, dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegay “in ay u muuqato in dowladda jirto laga garab dhisayo dowlad kale.” Mucaaradka ayaa maalmaha soo socda ku dhawaaqi doono xubnaha golahaas ka mid noqondoona, waana la dhaarin doonaa, sida uu Raila sheegay.

Raila ayaa tilmaamay in “ujeedada loo aasaasayo golahan ay tahay in ay shaqeeyaan inta laga helayo dowlad iyo madaxweyne sharci ah.” Wuxuu sidoo kale sheegay in uu dhisi doono guddi ka hoos shaqeeya baarlamaankiisa si ay wax uga qabtaan meelaha uu maamulka ka daciifo.

Comments are closed