|

Hoggaamiyeyaasha Bulshada Somaliland Oo Ka Damqaday 42 Qof Oo Liyuu Booliiska Kililka Shannaad Xasuuqeen Iyo Farriinta Loo Diray Madaxweynahooda

Hargeysa, 8 June, 2016-(SDN/QJ): – Ka dib, markii Ciidammada loo yaqaanno Liyuu Booliska ee Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay Dad gaadhaya 42 Qof oo isugu jira Carruur, Haween iyo Rag Waayeel ah ku xasuuqeen Deegaanka Jaamac Dubad oo ka tirsan Degmada Gaashaamo ee Kililka Shanaad, ayaa Hoggaamiyeyaasha Bulshada Somaliland si adag uga hadleen Xasuuqaasi, waxayna sheegeen in Xasuuqaasi uu ka masuul yahay Madaxweynaha Kililka Shannaad Cabdi Maxamuud Cumar.

Liyuu BooliisSuldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay ka xun yihiin in Ciidamo hubeysan ay Dad Shacab ah u xasuuqaan Sabab la’aan, laakiin ay ku talinayaan inaan Dadweynuhu samayn wax gurmad ah, si looga hor-tago in Colaaddu sii fiddo.

Suldaanka oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Shaqaaqada ka taagan Kililka Shannaad, waxaan leeyahay Gurmad yaan la isku dayin oo Dadku aanay u gurman si colaaddu u sii ballaadhato, waxaan leeyahay colaadda hala qaboojiyo. Dawladda Kililka Shannaadna waxaan leeyahay waa inay Dadka (la xasuuqay) Gurmad iyo Daawooyin ula gaadhaa, Dawladduna waa inay Daweysaa Collaaddaa, annaguna iskama soo geli karno illaa aad idinku Fasax noo siisaan, waayo? Laba Dawladood baynu kala nahay.”

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay, “Waxaanu leenahay Maatidaa la leynayo hala joojiyo. Annagu odhan mayno Maatida ha loo gurmado oo hala dagaal galo, laakiin waxaanu leenahay Maatidaa meesha ku nool hala nabadgeliyo oo xasuuqa hala daayo.”ayuu yidhi.

Xildhibaan Cabdikariin Xaaji Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo isaguna Xasuuqan ka hadlay, ayaa yidhi, “Dadka Gaashaamo waxa Xasuuqay Ciidammada Liyuu Booliiska ee Itoobiya, waxaan leeyahay Dawladdu aad ula hadasho Dawladda Itoobiya, oo ha loo gurmado oo Labada Xukuumadood aad ha u wada hadlaan, Waayo? Amarka waxay ka qaataan (Kuwa Kililku) Dawladda Itoobiya. Dawladda Itoobiyana jaarbaynu nahay oo iskumaynaan ogeyn (Xasuuq) ee waxani Askar uun bay ka dhaceen, ee Dawlad ahaan inay waxani uga dhasheen u maleyn maayo. Waxaan leeyahay labada Xukuumadood waa inay ka wada hadlaan oo aanay waxa dambe dhicin, Maaddaama oo la yidhi waxa dhintay Dad aad ah oo Odayaal leh, Carruur leh, markaa waa in Xukuumaddu gaadhsiisaa Dawladda Itoobiya, Dadkana hala kala dhex galo.”

Xildhibaan Axmed-gacan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isaguna sheegay in Dadkaa ay Xasuuqeen Ciidammada Liyuu Booliiska Masuuliyaddooda uu leeyahay Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, waxaanu yidhi, “Tirada Dadka la xasuuqay ee Odayaashii aasayey soo sheegeen waa 42 Qof, Dadkaa oo isugu jira Carruurtii, Haweenkii iyo Waayeelkii oo lagu laayey Masaajidkii ay Salaadda ku tukanayeen leh, waxaan u arkaa Xasuuq. In Xasuuqaa Ciidammada Itoobiya u geystaan Dad Shacab ah oo aan hubeysnayn Bani-aadamnimada waa ku xaaraan, Dawladnimada waa ku xaaraan, waxaanuna leenahay Arrintaa Masuuliyaddeeda waxa leh Madaxweynaha Kililka Shannaad.”

Comments are closed