Uncategorized

Hoggaamiyihii Kooxda ISIS Oo La Sheegayo In Gantaal Lagu Dhaawacay

Mousil:Nov,10,2014(SDN/QJ)-Wararka Laga Helayo Saraakiisha Xukuumadda Taagta Daran ee Ciraaq, ayaa sheegaya in jimcihii Magaalada Musil lagu dhaawacay Hoggaamiyihii Ururka ISI Abu bakar Baghdadi.

logrInkastoo warkaasi kasoo Baxay Xukuumadda Dalka Ciraaq, haddana Saraakiisha Aqalka Militeriga dalka Maraykanka ee Duqaymahan Fuliyey, ayaan wali xaqiijin warkaas la faafiyey.

Wasiirka Difaaca ee Ciraaq, Khalid al-Ubaydi ayaa soo fariin uu soo dhigay boggiisa Facebookga waxa uu ku xaqiijiyay in Al-Baqdadi uu ku dhaawacmay duqeyn ay Jimcihii ka fuliyeen Mareykanka magaalada Mosul ee waqooyiga Ciraaq.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Ciraaq ayaa sidoo kale warkaasi u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Warar kale oo kala duwan oo duqeyntaasi ka soo baxaya ayaa sheeganaya in weerarkaasi lagu dilay mid ka mid ah kaaliyeyaasha Baghdadi oo ay aad isugu dhawaayeen.

Gelinkii hore ee Axaddii shalayna , sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Britain ayaa ka digay in xitaa hadii wararkaasi ay xaqiiq yihiin, in ISIS ay wax ka bedeleyso hogaankeeda.

Madaxa shaqaalaha gaashaandhigga ee Britain Nick Houghton ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka BBCda in xitaa hadii Baqdadi la dilo inaysan durbadiiba ka dhigneyn dib u dhac istraatiijiyadeed oo kooxda soo wajahday.

Abu Bakar Baqdadi oo ah Hoggaamiye Da’yar ayaa si weyn loo raadinayaa Goobta uu ku sugan yahay, walise xataa Kooxda ISIS ma ay soo saarin war lagaga Hadlay sheegashada Reer Ciraaq.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com