|

Kooxdii Kowaad ee Tartanka Xulka Qaranka Somaliland ee Ka Qaybgalaya Ciyaaraha Ruushka oo Gaadhay iyo Hoggaanka Kooxda Somaliland Oo Caddeeyey Ujeeddada ay uga qayb gelayaan tartanka Abkhazia

Abkhazia 27,May 2016 (SDN/QJ):- Hormadii ama qaybtii koowaad ee xulka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa niskii danbe ee xalay  ka degay caasimada wadanka Abkhazia ee Sukhumi, halkaas oo ay kaga qayb galli doonaan tartanka koobka aduunka ee wadamada aan la aqoonsanayn.

hormoXulka kubbada cagta qaranka Somaliland, ee ka qayb galaya tartanka oo qaybi ka imanaysay qaarada Yurub gudeheeda, qaybina dalka ka tagtay oo ay wali safar ku sii jiraan, kuwaas oo mid ka ah difaaca sumcada iyo sharafka Jamhuuriyadan 25 jirsatay, ayaa ciyaaryahanadii Yurub ka imanayay iyo masuuliyiintii ka soo shaqeeyey ka qayb galka tartankan qiimaha u leh qarankeenu, ay ka dageen Sukhumi, iyadoo halkaas ay si diiran ugu soo dhaweeyeen gudiga qaban qaabada koob aduunka dalalka aan la aqoonsanayn.

Geesta Kale Gadhwadeennada Kooxdan ciyaartooyo reer Somaliland ayaa waxay ka hadleen ujeeddada ay u tegayaan tartankaas.

Xasan-iyo-cagayare-655x360Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare) iyo Xasan Waraabe-cadde oo hoggaaminaya afar ciyaartoy oo ay Hargeysa ka kexeeyeen si ay uga qayb galaan tartankaas oo ay kooxda inteedii kale ka tegeen waddamada Yurub, ayaa waxa ay sheegeen in ujeeddada ugu weyn ee ay u tegayaan ay tahay inay Calanka Somaliland ka dhex taagaan quruumo kala duwan oo ay adduunyada tusaan, isla markaana heesta calanka ay ka dhex qaadaan garoon ay ku sugan yihiin dadyow kala duwan.

Labadan masuul ee hoggaaminaya kooxda ciyaartooyada ah, waxay u mahad-naqeen Duqa caasimadda Hargeysa iyo xildhibaannada Golaha deegaanka ee Hargeysa oo ay tilmaameen inay si hagar la’aan ah u garab istaageen.

Waxa kale oo ay u mahad-celiyeen shacabka Somaliland oo ay sheegeen inay si fiican u taageereen.

Qoraal kooban oo ay labadan masuul soo Saareen ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Mahadcelin

Xildhibaan Ismail Jama Hirsi iyo Hassan Waraabacadde iyo dhalinyarta cayaartooyda ee la socota waxaay si wada jira ugu mahadnaqayaan dhamaan dhalinyarta reer Somaliland ee sida hagarlaanta taageerada noo muujisay dhanka social medsiyaha. waxaa kalo mudan mahad celin bahda saxaafada guud ahaan, Waxaan kaloo u mahadcelinaynaa Mayorka Caasimada Hargeisa Abdirahmaan Solteko oo si hagar la’aan ah noo garab taagan iyo dhamaan xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeisa, waxaan leenahay mahadsanidiin.

Waxaan diyaar u nahay safar dheer oo aanaan daal dareemi doonin maadaama calanka Somaliland iyo heestiisaba aanu adduunyada tusi doono, maqashiinna doono inshaa Allaahu.

Ishaa macalin ah. Noo soo duceeya.

Xildhibaan Ismail Jama Cagayare

Xassan Abdalla Waraabacadde”

Comments are closed