|

Hujuunkii Burco ee 1988kii iyo Kii Hargaysa Mataano Xidhiidh lahaa {DHAGAYSO}

Hargaysa 31. May 2017 (SDN/QJ):- Waa Maalmihii Is maqiiqa iyo Is Hujuunka Laba cudud oo aan la is barbar dhigi Karin,Waa Maalmihii ay Xarakadii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed ee SNM Hal bacaad lagu lisay ka dhigtay Riyo ay isku maaweelinayeen talisyadii Muqdisho iyo Addis ababa oo ku shirsanaa Soodare isla markaana gaadhay Heshiis dhigayay inay kala Joojiyaan Wixii Hurin karayay khilaafkii dhex dooda ka aloosnaa.

Waxay Maalmahani ahaayeen 29 Sanno ka hor markii ay Jabhadii SNM ee Horseedka ka ahayd Xornimada Somaliland ay Guluf dagaal ku soo qaadeen Magaalooyinka Hargaysa Iyo Burco oo ay ku lamaanayeen Jiidaha u dhexeeya labadaas magaalo,Maalmahaas amran ayaa kala ahaa 27Kii Bishii May iyo 31-kii Bishaasi oo Xalay oo Kale Ku Beegnayd.

Barnaamij taariikheedkan waxaan idiinku soo tebin doonaa dhacdooyinka ku taxan Xuskan iyo Weedho laga guntay Saraakiishii SNM ee Xiligaas.

Comments are closed