Burco (QJ) – Mudaaharaad ayaa saaka ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, kaas oo lagaga soo horjeedo warar baraha bulshada lagu faafiyey oo sheegaya in xukuumadda Somaliland ay muddo kordhin u samaynayso maxaabiista lagu soo qabtay dagaalkii Laascaanood.
Dadweynaha gadoodsan ayaa dalbaday in haddii maxaabiista la sii daayo in marka hore la sii daayo maxaabiista Somaliland ee ku xidhan magaalada Laascaanood. Waxay ku adkaysteen inaan maxaabiista la sii hayn ilaa maxaabiista Somaliland laga soo daayo.
Dibadbaxayaasha ayaa taayaro ku gubay waddooyinka waaweyn ee magaalada, waxayna dhagxaan ku tuureen ciidamada ammaanka oo isku dayay inay kala eryaan.
Ciidamada ammaanka ayaa rasaas furay, waxaana ka dhashay dhimashada laba qof iyo saddex dhaawac ah sida ay wararku nagu soo gaarayaan.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhawaan Xukuumadda u soo jeediyay in dhammaan maxaabiista lagu hayo xabsiga. Waxa uu sheegay in gorgortanka maxaabiista SSC Khaatumo aanay dhici karin, taasina ay hoos u dhigayso maqaamkii Somaliland.
Waxa kale oo uu xusay in odayaasha beelaha Soomaaliyeed ee ku midoobay dadaallada nabadeed ee labada dhinac laga wada faa’iidaysto sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista Somaliland.
Xukuumada Somaliland ayaa sheegashada siideynya maxaabiistii Laascaanood ku tilmaantay mis been abuur ah.
