|

Itoobiya oo ka walaacsan arbin Soomaaliya u gudbisay QM

NY -Tesfaye Yilma Sabo, Safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay warbixin dhawaan uu ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixintu waxay ka hadlaysaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya ay la gashay Somaliland kaas oo sii xumeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Safiirka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolka ay ujeedadoodu tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida, wax ka qabashada khatar kasta oo dhanka ammaanka ah oo keeni karta in ay la khalkhaliyo marinka badda.

Mr Tesfaye Yilma Sabo ayaa sheegay in horumarka hadda ka socda Soomaaliya lagu gaaray kumanaan askari oo Itoobiyaan ah oo ku dhintay dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu wada hadal la yeesho Soomaaliya iyo sidii heshiis nabadeed oo waara loo dhex dhigi lahaa labada dal ee deriska ah.

Comments are closed