|

Ittoobiya oo ka jawaabtay eedo loo jeediyay

Addis Ababa January 27, 2024 (QJ) -Itoobiya ayaa golaha ammaanka u dirtay warqad ka hor inta goluhu ka doodin heshiiskii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen 1-dii January 2024, iyadoo sheegtay in heshiiskaas aanu ahayn mid xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana aanu horseedayn colaad dhax marta labada waddan iyo in gobolka laga abuuro xasilooni darro.
Madaxweynaha Somaliland ee xilka ka sii degaya, Muuse Biixi, ayaa sheegay in heshiiskaas uu Itoobiya u ogolaanayo in ay badda ka sameysato saldhig milateri, si ay u hesho aqoonsi. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa ku andacoonaysa inay danaynayso deked ganacsi, kana fogaatay ka hadalka saldhig ciidan.
Sidoo kale, Itoobiya ayaa ku andacoonaysa inay ku wargelisay dowladda Federaalka Soomaaliya damaceeda, balse Soomaaliya waa ay beenisay warkaas.
Itoobiya ayaa sheegtay inay taageersan tahay go’aanka Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, kaasoo ku baaqay in la dhexdhexaadiyo labada dal. balse dowladda Soomaaliya ayaa ku dooday in marka hore Itoobiya ay ka laabato heshiiska, kaasoo xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Comments are closed