|

QM oo masuul u soo magaacaabay Soomaaliya

Muqdisho Jauary 27, 2024 (QJ) -Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe uu u magacaabay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay, Zenenga waxa uu bedelayaa dublamaasigii Ghana ee xilka ka degaya, Anita Kiki Gbeho, waxaana ku xigeenka xoghayaha guud uu uga mahad celiyay shaqada Gbeho ee Soomaaliya.

Ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ayaa horey u soo qabtay door muhiim ah howlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay. Waxa uu soo noqday ku xigeenka madaxa xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Libya (UNSMIL) ilaa 2020.

Zenenga waxa kale oo uu hore u soo noqday ku xigeenka madaxa UNMISS (United Nations Mission in South Sudan) iyo ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. .

Mr. Zenenga wuxuu khibrad u leeyahay dhexdhexaadinta, maaraynta hawlgallada nabadda, iyo la shaqaynta dawladaha iyo daneeyayaasha kale ee goobaha colaaddu ka jirto.

Comments are closed