|

“Iyadoo Loo Marayo Dariiq Diblo-maasiyadeed,Ayaa Loo Baahan Yahay Inay Somaliland Ka Jawaabto Eedahaas Beesha Caalamku U Soo Jeediyeen” Cabdiraxmaan Cirro

Hargaysa 31.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ah, guddoomiyaha Xisbiga Mucaarikd ah ee WADDANI Md.. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa ka hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin, hawlgankii Ciidamada ee SAAX-DHEER,jidka loo baahan yahay inay Somaliland u marto macaamilka dunida, tirada komiishanka doorashooyinka iyo sida uu u arko taagta fariimaha siyaasadeed ee Somaliland ee ku waajahan beesha Caalamka.

Cirro2Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sidaa ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, wuxuuna yidhi “SAAX-DHEER,gobolka Sool iyo Shacabkiisu-ba waxa ay ka mid yihiin Somaliland,dhulka somaliland iyo qaranimadaba in la difaaco,waxa ay ila tahay waajib ina wada saaran in la difaaco,Ciidamada qaranka in ay xuduudaha difaacaan iyo qaranimadiisa iyo xoriyadiisa waa xil iyaga saaran”.

“Anigu ma odhan karo waa la qabsaday,laakiin waxa la difaacayaa qaranimada Somaliland,Shacabka jooga SAAX-DHEER waxa ay ka mid yihiin shacabkii Somaliland,Shacab xoog lagu haystaa ma jiro,xuduud xoog lagu haystaana majirto,waxaana ay ciidanku difaacayaan dhulkii Somaliland.”

Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu ku dooday in ay xukuumada waajib weyni ka saaran yahay in amaankooda la ilaaliyo shacabka SAAX-DHEER,oo ay la mid yihiin shacabka Somaliland ku nool, wuxuuna yidhi “Xil ayaa ka saran xukuumadda iyo masuuliyiinteeda-ba in ay ilaaliyaan shacabka,waxaanan ciidanka qaranka ku hambalyaynayaa waajibkaas ay guteen.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu ku taliyay inay xukuumadu jawaabta beesha caalamka u marto qaab-diblomaasiyadeed, waxaanu yidhi “Bulshada caalamku way ogtahay,xuduudaha Somaliland way ogtahay, Taariikhda Somaliland,waxa ay ila tahay bulshada caalamka xidhiidh wanaagsan ayaa inaga dhaxeeya,iyadoo loo marayo dariiqa diblo-maasiyadeed,ayaa loo baahan yahay in ay xukuumada Somaliland ka jawaabto,eedahaas ay beesha caalamku u soo jeediyeen.”

Sidoo kale, Mar uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) waxa uu ku celiyay inay ku adkaysanayaan soo jeedintii ahayd in guddida doorashooyinka Somaliland la kordhiyo, iyada oo laga dhigayo Sagaal xubnood, waxaanu yidhi “Kamanaan laaban,laakiin ilaa hada Dastuurku 7-xubnood ayuun buu sheegayaa,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxwaynaha Somaliland,markii uu ahaa Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, waxa uu ku doodayay in Sagaal xubnooda komiishanka laga dhigo anaguna taas ayuunbaa weli ku taaganay”.

“Waxaan isleeyahay fariimihii Somaliland looga baahnaa ee arrintaaasi ku saabsanaa saani inoogamay wada bixin,waa laga yaabaa qolyaha Mucaaridka ku ah Somaliland farriimahoodu inay ka bateen kuwa Somaliland gudbinayso, markaa wakhtigii beesha caalamku tidhi Taleex ka baxa Madaxweynuhu wuu noo yeedhay si looga wada tashado arrintaasi, waxayna ahayd in xukumadda, Axsaabta iyo goleyaasha oo wada socdaa Beesha caalamka u tagaan, taana xukumaddaa ka baxday. xukumadduna haddii ay hawshaa ku filan tahay oo kaligeed qabanayso waanu ku hambalyeynaynaa, maalintaasna waxaanu ku nidhi haddaydaan ku filayn diyaar baanu u nahay inaanu garab idin siino”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed