|

Jabhado iyo ciidan-beeleedyo Somaliland ka bilaabmaya todobaadkan

Hargeysa. 12 November, 2022. (QJ)- Somaliland waxay wajahaysaa marxalad adag iyadoo 30 sanno kadib laga cabsi qabo dagaalo sokeeye oo dib loogu noqdo, kadib Muuse Biixi oo xilkii ka dhamaaday isla markaana diiday ergadii heshiiska waday.

Deegaano badan ayay ka socotaa abaabulka ciidamo tiro badan oo doonaya in meesha laga saaro Muuse Biixi maadaama oo uu doorasho qaban waayay.

Qurbejoog waxay ogaatay in beesha Muuse Cabdalle ay hormuud u tahay ciidamada tirada badan ee todobaadkan la ogaan doono iyadoo laga cabsi qabo in uu is taago isu socodka Somaliland maadaama beesha Garxajis dagto 5 gobol oo ka mid ah 6 da gobol ee Somaliland.

Gobolada Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ayay jabhaduhu ka dilaaci doonaan iyadoo la filayo in cutubyo la tirsan ciidamada Somaliland ay ku kala biiraan jabhadaha.

13 November oo berri ah ayay mudadu kaga egtahay madaxweynaha Somaliland iyadoo dalku uu muran siyaasadeed cagaha kula jiro.

Comments are closed