|

Jabuuti oo si maldahan uga hadashay Khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya

Jabuuti January 08, 2024 (QJ) -Dowladda Jabuuti ayaa maanta ka hadashay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay isafgarag ay dhawaan kala saxiixdeen Abiy Axmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland ee mudo dhaafka xilka ku jooga Muuse Biixi.

Heshiiska ayaa dhigaya in Itoobiya ay saldhig ciidan ka sameysato xeebaha Somaliland, iyo in Itoobiya ay Somaliland aqoonsato.

Wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti oo war ka soo saartay muranka dhuleed ee u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasiloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalka IGAD. Madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay heshiiskaas, iyagoo u arkayay mid halis ku ah Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya.

Comments are closed