|

Madaxweyne Xasan oo xulafeysi doon u tegey Eritrea

Asmara January 08, 2024 (QJ) -Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia.

Labada mas’uul ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii shanaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii xilka loo doortay muddo haatan laga joogo laba sano. Eritrea ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya saaxiibka la ah ee bixiya tababarrada ciidamada, iyadoo cutubyo ka tirsan ciidammo tababaran ay dib ugu laabanayaan Soomaaliya. Koox kale ayaa weli tababar uga socda dalka.

Comments are closed