Marka hore salaan bahda saxaafadda; waxaan jecelahay inaan ka jawaabo maqaal uu qoray nin magaciisu ahaa; Mohamed Haji mohamoud oo sheegtay inuu yahay political science and research analyst. Nuxurkii maqaalkiisuna wuxuu ahaa shaki ayaa ku jira musharaxnimadda Jamaal Cali Xuseen maadaama aanay shirweyne ansaxin, oo wixiisuba ay yihiin heshiis ay gaadheen isaga iyo Faysal Cali Waraabe. Walaalkay Mohamed oo weliba yidhi researcher ayaan ahay runtii way ka qaloocsantahay ee waxay ahayd inuu research ku sameeyo xisbiyadda waxa sharci ah iyo waxaan sharci aheyn. Haddaba walaalkay aan u saxee; sharciyadda labadda xisbi ee Kulmiye iyo UCID waa isku mid oo golaha dhexe ayaa sharciyeeya musharxiinta madaxtinimadda. Golaha dhexe ee xisbigga UCID shirkiisii October 2012 waxay ku ansixiyeen inay xisbigga UCID doorashadda
Jawaab Maqaalkii Waa Kuma Musharaxa Xisbigga UCID?
Ali Abdi Faarax
Maaha political science researcher,Laakiin nin u dhuun daloola siyaadda Somalilandta
