|

Jigjiga: Heshiis Ay Weftiga Sul. Maxamed Sul.Xirsi Qani Iyo Madaxweynaha Kililka 5aad Ka Gaadheen Dhacdadii Gaashaamo

Hargaysa,31.July 2016 (SDN/QJ):- Kulan wadahadal oo dhawr maalmood uga socday magaaladda Jigjiga wefti uu hogaaminayay Suldaan Maxamed Sul. Xirsi Qani iyo Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar iyo xukuumaddiisa, isla markaana lagaga arrinsanayay dhacdadii ay ciidanka Liyuu Boolisku ku dilleen 21 qof oo shicib ah degmadda Gaashaamo, ayaa la sheegay in la soo gabagabeeyay, laganna gaadhay heshiis.

gaashe77Shabakadda wararka internetka ee Ramaasnews war ay faafisay oo amuurtaa la xidhiidha waxay ku sheegtay in weftiga Suldaanka ee beesha H.Yoonis iyo maamulka kililka shanaad ee Itoobiya ee Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ay si qoto dheer uga wada hadleen wixii ka dhacay deegaanka Gaashaamo ee ay gaysteen ciidanka Liyuu Boolisku, isla markaana ay weftiga Suldaanku ku garnaqsadeen in dhacdadii Jaamac Dubad ay ahayd xasuuq aan sabab lahayn, dadka la laayayna ay ahaayeen shacab, qaar ka mid ahaa oo waayeel ahaanna loogu galay masaajid oo lagu dilay, halka uu maamulkuna dhankiisa ka difaacayay hawlgaladdii ciidankaa ee deegaankaa.

gashe11Warkaasi wuxuu intaa ku daray in garnaqsi iyo dood dheer oo adag kadib ay labada dhinac ku heshiiyeen, in la dejiyo xaaladda, nabadna lagu soo dabaalo, sidaa darteedna ay dhakhso u tagaan deegaanka Gaashaamo wefti isugu jirra xukuumadda iyo madax dhaqameedka beesha si dadka deegaanka loogu sheego arrimaha la isla qaatay, iyadoo geesta kalena Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar uu dhankiisa u sheegay weftigaa inuu go’aan ka qaadanayo dhacdadaa dadka lagu laayay ee Jaamac Dubad, isla markaana la isla qaatay in laga hawlgalo sidii dadka iyo maamulkuba ugu wada shaqayn lahaayeen dhanka horumarka iyo adkaynta amniga iyo xasiloonidda, si loo baajiyo dhib dambe oo soo laabata.

Dhanka kale shabakadda Cakaaranews ee warbaahinta kililka shanaad ayaa faafisay, in la khatimay kulan laba maalmood u socday maamulka iyo weftigaa beesha, isla markaana dadkii ka hadlay ay ka mid ahaayeen  Taliyayaasha ciidanka liyuu booliska ee ismaamulkaa iyo federaalku.

Warbixin la xidhiidha wixii ka dhacay deegaanka Gaashaamo oo ay halkaa ka jeediyeenna ay ku sheegeen sida shabakadaasi faafisay, inay halkaa u tageen inay soo kaxeeyaan gaadhi kootarabaan siday oo ku dhacay Ambalaaska degmadda Gaashaamo, balse dhexda loo galay oo dablaydii kootarabaanku ay jid gooyo u galeen, hub iyo ciiddanna ay ku sii abaabuleen Jaamac Dubad, ciidankana ku xabadeeyeen.

gashe55Warkaa ay faafisay Cakaaranews wuxuu intaa ku daray in Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar soo gunaanaday kulankaa soona dhaweeyay dooddii dhanka weftiga Suldaanka, isla markaana uu u sheegay  dhanka horumarka in iyadoo loo eegayo awooda xukuumada deegaanka la fulin doono codsiyada dhanka horumarka, wixii ka baxsan awooda heer deegaanna loo gudbin doono xukuumada dhexe. Sidoo kale uu uga mahadceliyay madaxdhaqameedka sidii ay uga hadleen kulamaddii ay yesheen, islamarkaana uu ilaahay ka baryay in aanay dib danbe u dhicin xaaladan oo kale. Siday Sheegtay shabakadaasi  Madaxwaynuhu wuxuu intaa kudaray in la wada tegi doono degmada Gaashaamo oo wacyigalin balaadhan laga samayn doono, hawshaasna uu gudi u saaray.

Tibaaxahaa ay faafiyeen shabakadaha internetka ka sokow ma jiraan warar madax banaan oo si toos ah uga soo baxay labada dhinac, kuwaasoo ay ku sheegayaan waxa ay ku heshiiyeen iyo go’aamadda laga qaatay dhacdadii Jaamac Dubad, balse marka la eego xogaha laga helayo Jigjigga, inay labada dhinac is faham ka gaadheen shaqaaqaddii ka soo bilaabatay dilkii Liyuu Boolisku ka gaysteen deegaanka Jaamac Duba ee  degmadda Gaashaamo.

Comments are closed