Hargaysa,31.July 2016 (SDN/QJ):- Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ah Suldaanka guud ee beesha Habar-yoonis ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin xaaladihii u danbeeyey ee deegaanadii degmada gaashaamo ee dhawaan xasuuqu ka dhacay, aragtidiisa salaadiin iyo cuqaal dhawaan u tagay Ina iley iyo shirwayne ay dhawaan qabsanayaan beelaha Garxajis.
Suldaan Cismaan Cali Madar Muxuu Ka Yidhi Dhacadadii Jaamac Dubad Iyo Shirar Siyaasiyiinta Galbeedka Burco Iyo Koonfurta Hargaysa Dhex Maray? DAAWO
