Ujeeddada Ciidankan loo abbuurayo ayaa lagu sheegay sidii ay wax uga qaban lahaayeen Baahiyaha Dhinaca ammaanka ah ee jira iyo Waliba caqabadaha dhinaca bani’aadanimo eek a jira Somalia.
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo qorshahan shaaciyey, ayaa sidoo kale wuxuu codsaday wadamada taageera Soomaaliya inay kordhiyaan taageerada loo hayo dadaallada bani’aadamnimada ee Soomaaliya, iyadoo Qaramada Midoobay ay hadda jaqsiinayso hal milyan oo qof maalintii, sida ay sheegtay.
Wuxuu sheegay Mr Key inay muhiim tahay sii wadida dagaalada lagula jiro Ururka Al-shabaab oo uu sheegay in iyaga dhankooda wada beegsiga xarumaha Muhiimka ah ee Dowlada iyo waliba xarumaha kale ee Caalamiga.
Ugu danbeyntii Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa tilmaamay inay xiiseynayaan xoojinta Ciidamada Soomaaliya si ay amaanka qeyb kaga qaataan.