|

Kaambaynkii Mansabka Guddoomiye Ee Xisbiga KULMIYE Muuse Dabadii Oo Cirka Isku Shareeray, Kulan Beesha Maxamed Kaahin Isugu Timid Iyo Xildhibaan Obama Oo Tartanka Kusoo Biiray, Halkee Ku Dambeeyey Gaafaadhi?

Hargaysa 28.October 2016 (SDN/QJ):- Kulan siyaasadeed qado iyo is xog waraysi ah oo ay shalay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo odayaasha Beesha uu ka soo jeedo Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ku yeelatay Huteel HANA ee Caasimadda Hargeysa ayaa la iskula qaatay in aanay beeshu marnaba aqbalayn in gorgortan la galiyo mansabka Kursiga Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ay muddo badan beeshu naawilaysay oo ay rabaan in lagu wareejiyo Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ah rafiiqa koowaad ee Guddoomiyaha KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

kulaykii-kulmiyeKulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaa oo aan saxaafadda loo ogolayn ayaa shalay waxgaradka, siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Reer Daahir (Habar jeclo) waxa ay wax isaga waydiiyeen qorshaha uga meel yaalla iyo tallaabada ay ka qaadan doonaan xaaladaha ka soo kordhaya hirdanka durba istaadhmay ee la xidhiidha damaca siyaasiyiinta beeshaasi ee la wareegidda Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ay u arkaan in aanay beeshu sinaba u lumin doonin maadaama Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo beesha ka soo jeedaa yahay ka ay u arkaan in uu ugu xaq leeyahay oo aanu jirin sida ay qabaan cid kula tartami karta ama damac ka gali karaa taasoo ay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Musharraxa Madaxweyne ee xisbigaasi Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ay baaq cod dheer ah ugu direen in uu ka fiirsado dhawaaqyada soo gaadhaya oo aanu ka abaal dhicin Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ay ku sheegeen mid lasoo rafiiqay muddo ku dhaw Nus qarni, ahaana shakhsigii Muuse garab taagna muddoda, xaq darro iyo wax aanay qaadan karina ay noqon karto haddii cid kale loola hollado kursigaasi, sida ay odayaashaasi iyo siyaasiyiintaasi shalay kaga wada hadleen kulankaasi gaarka ah.

Kulankan oo shalay ku qabsoomay Huteel HANA, Xaafadda Jigjiga yar ee Caaasimadda Hargeysa ayaa wararka naga soo gaadhayaa waxa ay tibaaxeen in uu isla kulankaasi goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed kaasi oo la sheegay in uu si weyn u soo dhaweeyey go’aanka ay odayaasha beeshiisu ku garab joogsadeen sidii uu u hanan lahaa kursiga Guddoomiyaha KULMIYE Muuse dabadii.

Dhinaca kale xogo dheeraad ah oo aanu ka helnay arrimahani waxa ay tibaaxaan in Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna ka soo jeeda siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee Beesha Bariga Burco iyo Galbeedka Sanaag uu dhiniciisa taageero uga muujiyey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo la sheegay in uu isna waysada u biyaystay sidii uu uga qayb noqon lahaa siyaasiyiinta beelahaasi kasoo jeeda ee tartanka ugu jira sidii ay u hantiyi lahaayeen mansabka Guddoomiye ee KULMIYE, Muuse Biixi kadib.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo ay isku jifo yihiin Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa la sheegay in uu isu diyaarinayo sidii uu dhiniciisa uga tartami lahaa isaga oo taageero ka helaya Guddoomiye Saleebaan iyo xubno kale oo beelahaasi ka soo jeeda oo hawshan saamayn ku yeelan karaa, waxaanay dhammaan arrimahani ku soo beegmayaan kadib markii ay soo baxeen xogo tibaaxaya in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi uu illaa hadda ugu cadcad yahay haleelidda mansabkaasi Guddoomiye ee Xisbiga KULMIYE, iyada oo ay arrimahani soo baxayaan wakhti saacado koobani kasoo wareegeen kulankii habeen hore qasriga Madaxtooyada ku dhex maray odayaal deegaanka ka soo jeeda iyo Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay in uu qayb ka ahaa kaambayn Wasiir Maxamuud Xaashi ku doonayo sidii uu mansabkaasi ula wareegi lahaa. Illaa hadda lama oga isna dhinaca uu hawlahan kaga jiro Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo isna muddoba isu gaabinayay damacna ka hayay mansabkan iyada oo wararku sheegayaan in Afhayeen Gaafaadhi isaga laftiisu kulamo iyo shir doceedyo taageero doon ah uu ku qabsaday Hargeysa.

Maalmaha soo socda ayay kala caddaan doontaa bal sida xaal noqdo iyo halka sheekadani ku dambayso iyada oo laga dhur sugayo bal tallaabada ay qaadaan odayaasha dhaqanka ee beelaha Habar Jeclo oo aan wali hanaan midaysan arrinkan isaga iman.

Comments are closed