|

KAMPALA: Dad Loo Qabtay Weerar Al-shabaab Ku Dishay 70 Qof Oo Lagu Xukumay Xabsi Madaxaa Ha-ku-furto Ah

Kampala, 30 May, 2016-(SDN/QJ) – Maxkamad ku taalla Magaalada Kampala, ayaa xukun Xabsi daa’in ah ku ridday 5 Ka mid ah 13 Rag ah oo ku eedaysnaa inay ka dambeeyeen oo ay ka shaqeeyeen Weerar Argagixiso oo Al-shabaab Sannadka 2010-kii ka geysatay Caasimadda Uganda ee Kampala.

Weerar Qaraxyo ahaa oo Al-shabaab Sannadkii 2010-ka ku qaadday meel lagu Daawanayey Ciyaar ka mid ahayd Tartanka Kubadda Cagta ee Sannadkaa, ayaa waxa ku dhintay Dad ka badan 70 oo u dhashay Uganda. Waxaana Weerarkaa oo Al-shabaab sheegatay loo qabtay 13 Nin oo dhammaantood u dhashay Dalka Uganda, kuwaasi oo 5 ka mid ah Shalay lagu Xukumay Xabsi Daa’in, halka inta kalena Dambi lagu waayay isla-markaana la cafiyayo.

Xaakimka xukunka lagu riday, ayaa sheegay in Shanta Nin ee la xukumay lagu helay inay Qaraxyo ka geysteen Gudaha Kampala Sannadkii 2010.

Comments are closed