|

Nin xubintii taranka Mas ka qaniinay Xili uu Suuliga Fadhiyey DAAWO

Thailand  30.May 2016 (SDN/QJ):- Nin u dhashay dalka Thailand ayaa loola cararay Isbitaal ku yaalla dalka Thailand kadib markii uu mas uga soo baxay suuliga isla markaana uu ka qaniinay xubinta taranka.

Ciidamada bad baadada ayaa durba meesha yimid oo arkay madaxa maska halka qaarkiisa danbe uu wali kula jiro fadhiga musqusha oo uu ku xannibmay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday gobolka Chachoengsao ee bariga  Bangkok.

Waxaa la arkay sidoo kale dhiig firiqsan sagxadda musqusha oo dhan, oo ah dhiiggii ka yimid ninka musqusha ku jiray.

Hadda ayuu ku jiraa Isbitaalka Chularat. Dhanka kale ciidanka gurmadka ayaa gacanta ku haya maskii oo nool.

 

Tapo oo kamid ah ciidanka gurmadka ayaa sheegay inuusan waligiis arag dhacdan oo kale muddadii dheerayd ee uu ka shaqaynayay bad baadinta.

 

” Horay waan u arkay mas intuu musqul kasoo baxay qofkii lugta ama barida ka qaniinay, hayeeshee arintan waa mucjiso” ayaa yiri Tapo oo CNN-ka u waramayay.

Maska iyo ninka la qaniinaynba iminka waa nool yihiin.

Sanadkii lasoo dhaafay laba mas oo waawayn  ayaa Australia musqul kasoo baxay, waxaana loo maleeyay inay haraad dartiis usoo galeen meeshaas.

Comments are closed