Nairobi Dec 18, 2011(qurbejoog.com)- Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in marna howlgalka ay ugu midnoqonayso AMISOM ay baajin doonin hanjabadaaha kasoo yeeraya Al Shabaab.
Xilli uu Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa Afhayeenka Ciidamada Milatariga Kenya Kornel Cysrus Oguna waxaa uu sheegay in hanjabaadaha kasoo yeeraya Al Shabaab aysan marna baajin doonin howlgallada ay ugu mid noqdaan Ciidamada AMISOM.
Cysrus Oguna ayaa waxaa uu tilmaamay howlgalka AMISOM uusan noqon doonin mid Kenya ka hor istaaga xuquuqda ay u leedahay inay difaacato dalkeeda, waxaana ay sheegeen in Isbuucaan gudahiisa Ciidamada Kenya ay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Ururka AL Shabaabu ka sameeyeen gobolada Jubbooyinka sida uu hadalka u dhigay.
Sarkaalkaasi ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Kenya ay duulaan ku yihiin gobolo badan oo ka mid ah Koofurta Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab, wxuuna ku hanjabay i marna howlgalladaasi aysan baaqan doonin.
Kenya ayaa hanjabaado is daba joog ah waxa ay u jeedisay Ururka Al Shabaab, iyadoo aan la’ogayn sida ay ku dambeyn doonto dagaal ka dhex bilowday Cidamada Kenya iyo AL Shabaab oo marar badan falal ammaan dari ah ka gaystay gudaha wadanka Kenya.
Qurbejoog-Nairobi
