|

Kenya oo caddaysay mawqifkeeda dacwadda badda Soomaaliya

Muqdisho (QJ)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in go’aanka maxkamadda ICJ ee ay kasoo saartay dacwadda Badda ee u dhaxesay Kenya iyo Soomaaliya, ay dhaqan galin doonto dowladda cusub ee Kenya.

Qodobkan ayaa la filayay in ay ka wadahadlaan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo shalay gaadhay heshiis ka kooban 11 qodob oo aysan ku jirin arrinta badda.

Kenya waxay sheegtay go’aanka maxkamadda inay noqon doonto shaqada ugu horreysa ee madaxweynaha beddelidoona madaxweyne Kenyatta, kaddib doorashada 9-ka August.

Kenya ayaa horey u sheegtay in aysan u hoggaansamin doonin go’aanka maxkamadda. balse lama oga in xiriirka cusub ee hadda ay la yeesheen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, uu wax ka beddelidoono mowqifkoodii hore.

Dawcadda badda ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya, taas oo muddo toban sano ku dhow soo jiitamaysay, ayaa sannadkii hore waxaa dacwaddaas loo xukumay Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu horey u sheegay in taako kamid ah dhul baddeedka laga xukumay, aysan ku wareejindoonin Soomaaliya.

Comments are closed