|

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Kerry oo gaadhay Bariga dhexe

31,mar.2014(SDN)-Xog-hayaha arimaha dibadda ee Waddanka maraykanka Mr.John Kerry,ayaa maanta Safar shaqo ku tagay Bariga dhexe.Diblumaasiyiinta ayaa ku sheegay Socdaalka Masuulkan sii amba qaadidad dadaaladii dhinaca Nabadda ee Falastin iyo Israil.
Safarkan Kerry ku marayo mandaqada ,ayaa la sheegay inay qaadanayso mudo labo cisho ah,isaga oo inta uu joogo la kulmi doono Saraakiisha labadda dhinac ee Falastin iyo Israil.
Kerry,ayaa labada dhinacba hor dhigay qodobo uu doonayo inay wax ka taraan xidhiidhka labada dhinac.
Dhinaca Israa’iiliyiinta ayaa la sheegay inuu ka codsay inay sii daayaan Hormadii ugu danbaysay ee Maxaabiis reer Falasdiin ah,oo ka kooban 30 maxbuus.
Halka uu falasdiiniyinta dhinacooda ka dalbaday inay sii dheereeyaan Wakhtiga Wadahadaladda,iyadda oo loo maldanyahay in Wakhtigii Wadahadaladu ku eegyihiin dhamaadka Bisha soo socota.
Qudus,SDN.
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed