|

“Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Hotel ku Yaal Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya!! DAAWO

Nairobi 26.October 2016 (SDN/QJ):- Waxaa sii kordhaya Qasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerar qaraxyo iyo mid toos ah isugu jiray oo Habeen Hore Niskii dhexe dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen Hotel kuyaala magaalada Mandheera.

al-shabaab-oo-weerartay-hotel-ku-yaala-magaalada-mandheerTaliyaha ciidamada booliska bariga Mandheera Ezekiel Singoe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii habeen hore lagu dilay dad gaaraya 12-qofood, sidoo kale lagu dhaawacay weerarkaasi tiro kale oo dad ah.
Dadka Kenyanka ah ee lagu dilay Weerarka xalay ka dhacay magaalada Mandheera ayaa ahaa dad Kenyan ah oo dhawaan halkaasi u tagay sidii ay u heli lahaayeen shahaadada Dugsiga sare sida uu sheegay Taliyaha booliiska.

Rag hubeesan oo katirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay in Hoteel kuyaala Mandheera ay ku weerareen qaraxyo albaabada ku furteen kadibna ay gudaha Hoteelkaasi ku toogteen qaar kamid ahaa dadkii Hoteelkaasi degnaa.

Magaalada Mandheera waxaa kusoo kordhaya weerarada ay geesanayaan dagaalyahanda Al-Shabaab, waxaana weeraradan Al Shabaab inta badan la beegsadaan dadka Kenyanka ah gaar ahana kuwa heesta diinta Masiixiga ee magaaladasi kunool.

Comments are closed