|

Kiinya: Beryahan ma furi doono xadka Soomaaliya

Nairobi April 03, 2024 (QJ) -Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin in si degdeg ah dib loogu furo xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Kenya ayaa walaac ka muujisay saameynta ay ku yeelan karto ammaanka gobolka soo gabagabeynta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo hadda socda.

Xoghayaha arrimaha gudaha Raymond Omollo oo saxaafada u waramay ayaa sheegay in ay qiimeeyeen baahiyaha amni ee dalka ka jira oo ay ku jiraan dhamaan goobaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo.

Hadalka Dr. Omollo ayaa imaanaya bilo kadib markii wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali ay shaaciyeen in la qorsheynayo in dib loo furo xuduudka kadib wadahadallo sare oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Xadka Kiinya iyo Itoobiya ayaa xirn mudo 12 sano.

Shirweynaha Qaran ee Maareynta Xuduudaha kiinya ayaa lagu qiimeyn doona hawlgallada xuduudaha tobankii sano ee la soo dhaafay waxaana uu isu keeni doonaa shirkaa daneeyayaasha maaraynta xuduudaha si ay uga wada hadlaan istaraatiijiyadaha lagu hagaajinayo waxtarka waaxda.

Comments are closed