|

Ciidamada Gumac oo halgalo ka fuliyay bartamaha dalka

Muqdisho April 03, 2024 (QJ) -Ururka 19-aad ee ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada Gumac oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanada Daaru Nimca iyo Buurka Fiiqey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada ayaa deegaanadaas ka saaray miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen, taasi oo halis galisay nolosha dadka deegaanka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa deegaano dhaca xadka gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud waxa ay ka socdeen howlgalo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab ee deegaanadaasi.

Comments are closed