|

Kooxo Soomaali-Masiixiyiin Ah Oo Markii Ugu Horraysay Taariikhda Soomaalida Si Muuqata Meel Fagaare Ah Isa Soo Taagay Taageerana U Muujiyey Madaxweynaha Cusub Ee Muqdisho DAAWO

Oslo 26. February 2017 (SDN/QJ):- Soomaali Masiixiyiin ama Kirstaan ah oo isa soo urursatay ayaa kulan ballaadhan oo ay ku yeesheen dalalka Yurub waxa ay markii ugu horraysay taariikhda Soomaalida iyaga oo u nidaamsan hab urursan oo abaabulan waxa ay u hambalyeeyeen Madaxweynaha dhawaan loo doortay Maamulka Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay si layaab leh oo dhiirrani ka muuqato muuqaallo daawasho ah isaga soo duubeen iyaga oo u ducaynaya kuna ducaynaya wax ay ugu yeedheen Ducada Ciise Masiixi, kuwaasi oo sheegay in Farmaajo yahay nin dalkaasi Soomaaliya horumar gaadhsiin kara.

Muuqaal ay iska soo duubeen koox rag iyo haween isugu jira oo sheegtay in ay Yihiin Soomaali Masiixiyiin ah ayaa kulan ay qabsadeen waxa ay ku sheegeen in ay isugu yimaaddeen sidii ay ugu ducayn lahaayeen Madaxweynaha dhawaan Maamulka Muqdisho doortay oo ay ku tilmaameen kii ay u baahnaayeen Soomaali oo dhammi sida ay hadalka u dhigeen waana markii ugu horraysay oo ay koox Soomaali ah oo Kiristaan ahi hambalyo Madaxweyne meel shaarac ah iska soo taagaan taasi oo aan ujeedadeeda ay daarran tahay si rasmi ah loo fahmin iyo waxan ay uga sii dhawaysteen Madaxweynayaashii ka horreeyey ee maamulka Muqdisho uga horreeyey.

Innaga oo aan soo wada qaadan Karin wax uu duco ku sheegay mid ka mid ah Soomaalidan Masiixiyiinta ah oo ah ninka dhukuran ee sawirka ka muuqda bal aan qayb ka mid ah oo kooban soo qaadanno waxaannu yidhi:

“Aniga oo ku hadlaya Soomaalida Masiixiyiinta ah oo dhan Waxaan u ducaynaynaa Madaxweynaheenna Cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mudane Madaxweyne waxaan horta salaam iyo ducoba kaaga wadaa dhammaan Soomaalida Masiixiyiinta ah ee adduunka ku nool. Waannu ku dhinac taaganahay, waannu ku taageersanahay, waxaannu kuu baryaynaa sanooyinka soo socda inuu rabbi kaa dhigo kuu Ilaah doortay. Waan innoo ducaynayaa adna waannu kuu ducaynaynaa. Anoo ku hadlaya magaca Soomaalida Masiixiyiinta ah. Aabboow Qudduusow adaa mahad leh. Rabbiyow waxaad madaxweynahaa Soomaali soo dooratay waxaad ka dhigtaa kii dalkiisa nabad ka dhiga. Rabbiyow sii xikmaddaada sii. ………….. intaasina waxaan ku baryayaa magaca Sayidinaa Ciise Masiixi, Aammeen”

Intaa kadib markii uu ninkaasi ducada akhriyey waxa ay kooxdii madasha fadhiday isku jiibiyeen heesta Soomaaliyeey Toosoo, Toosoo Isku Tiirsada.. oo ay hab wadar ahaan ah isugu jiibiyeen.

 

Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya ayaa noqday ninkii ugu horreeyey ee ay kooxahani soo dhaweeyaan iyada oo la sheego in wakhtiyadii ugu dambaysay kooxo badan oo Soomaali ah una badan dalkaasi Soomaaliya ay diinta ka baxeen oo ay gaaloobeen iyada oo goobaha ugu badan ee ay diinta Kiristaanka ku qaataan ay ka mid tahay dalka Kenya halkaasi oo kadib marka ay gaaloobaan dibadaha loo sii dhoofiyo halka kuwo kale ooh or lihi ku gaaloobaan dalalka qurbaha. Lama oga sababta ay kooxahani isu soo abaabuleen wakhtigan iyada oo shaki weyn la galiyey arrinkan.

Comments are closed