|

Ku Xigeenkii Hogaamiyaha Khaatumo ee Xilka laga Qaaday oo Iclaamiyey Dagaal lagu Qaadayo Magaaladda Laascaanood Isla Markaana Si Cad u Weeraray Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO

Buuhoodle 16. August 2017 (SDN/QJ):- Ku xigeenkii Hogaamiyaha Khaatumo ee dhawaan xilka laga qaaday Cabdalle Maxamuud Cali  (Caga-lule)  ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah Somaliland gaar ahaan hawlgalka qaadashada Kaadhka Codbixinta ee Ka socda Deegaanada Gobolada Sool iyo Sanaag.

Cabdalle Maxamuud Cali  (Caga-lule)   oo haatan sheeganaya inuu isagu yahay Madaxweynaha Kooxda Khaatumo ayaa sheegay in Siyaasadii Cali Khaliif Galaydh ku hogaaminayay Khaatumo ay ku soo afgo’day in Faysal Cali Waraabe iyo sida uu Yidhi afar askari wax laga weydiiyo Masiirkii ummada Khaatumo.

Comments are closed