|

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha oo Shaaciyey inuu Ku Biirayo Isbedel Doonka Xisbiga Waddani & Sababta uu uga Baxay Xisbiga Kulmiye DAAWO

Hargaysa 16. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mr Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay inuu Wixii haatan ka danbeeya uu Cuddudiisa siyaasadeed isugu gaynayo kuna biirayo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Waxa uu siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal sheegay inuu gebi ahaanba ka baxay xisbiga kulmiye isagoo xusay in Xisbigii uu hore uga tirsanaa ee Kulmiye uu Ololihiisa Siyaasadeed qaaday Jiho khaldan isla markaana uu Bulshada ku Marin habaabiyo Sidii uu u kala qaybin lahaa.

Comments are closed