Hargaysa 16. August 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha wakiiladda ee Taageersan Gudoomiyaha lagu muransan yahay Sharciyada doorashadiisa Baashe Maxamed Faarax oo Warbaahinta Markii Kowaad la hadlay ayaa shuruudo ku xidhay wada hadalkii lagu dhamaynayay xiisada ka oogan golaha wakiiladda.
Mudanayaashani waxay Sheegeen in garabka ka soo hor jeeda ay ka rabaan inay u hogaansamaan go’aankii golaha iyo qaraarkii ka soo baxay maxkamadda distooriga ah ee dalka waxaa kale oo ay si cad u sheegeen in aan haba yaraatee wax gorgortan ah laga galayn Doorashadii Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax hasa yeeshee taas badalkeeda ay diyaar u yihiin in laga wada hadlo Sidii loo soo celin lahaa wada shaqayntii golaha wakiiladda.
https://www.youtube.com/watch?v=PfkEncqhgcE
https://www.youtube.com/watch?v=WVXGeHd8glQ
