Uncategorized

Kulan lagu darsayo Wejiga labaad ee Mashruuca Horumarinta Degmooyinka ee JPLG oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 06.May (SDN)  Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Ka Shaqeeya Mashruuca Horumarinta Degmooyinka ee loo soo Gaabiyo JPLG ayaa maanta Shir uga Furmay Huteel Ambassador ee Caasimada Hargasya.

Kulan hawleedkan Waxaa ka soo Qayb galay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta,Wasiir ku Xigeenka dhinaca Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha,Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, iyo Waxbarashada iyo Maayarada Todobada Degmo ee Ka faa’iidaysta Mashruucan.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane C.laahi Abokor Cismaan oo si rasmi ah u furay Shir hawleedkan oo Mudo Sadex Cisho ah socon doona ayaa u mahad celiyay hay’adaha caalamiga ah ee Ka shaqeeya Mashruucan iyo Qaadhaan bixiyayaasha Waxa uu Wasiir ku Xigeenku Xusay inay hay’adahani Wax Weyn ka qabteen adeegyada horumarinta bulshada,Waxa uu Mudane C.laahi Abokor kula dardaarmay Maayarada Kulankan ka qayb qaadanaya oo ka kala Socda Boorama,Gebilay,Hargaysa,Berbera,Sheekh,Burco iyo Oodweyne inay ka faa’iidaystaan Mashaariicda JPLG,si ay uga Midha dhaliyaan ayuu yidhi Wax ka qabashada Baahiyaha aasaasiga ah.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo Madashaasi ka hadlay ayaa Sheegay inuu soo dhawaynayo Wixii ka hirgalay Mashruuca Horumarinta Dawladaha Hoose isagoo tilmaamay in Xooga la saaro Meelaha uu Mashruucani hada ku Wajahan yahay,Wasiirku Waxa uu intaas ku daray inay Jiraan dhaliilo loo Jeedinayo Mashruucan hasa yeeshe waxa uu Xusay inay Haboon tahay in dib loo eego Caqabadihii ku Yimid Mashruuca JPLG.

Sarkaal ka Tirsan Hay’ada UNDP oo halkaasi ka hadlay ayaa Sheegay in lagu jiro Xilli isbedel isla markaana uu dhamaaday Wejigii hore ee  Mashruuca JPLG oo soo bilaabmay Sanadkii 2008-dii kaas oo dhamaaday 2012kii,Mas’uulkani Waxa uu intaas ku daray in hawshii hore loo qabtay ay ahayd Kobcinta Degmooyinka iyadoo lagu salaynayay Heerkooda awoodeed inta uu gaadhsiisan yahay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com