Uncategorized

Kulan lagu lafo gurayey sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen arrimaha siyaasada beelaha la hayb-sooco oo lagu qabtay Hotelka Rays ee magaalada Boorame

Boorama May 13,2012(SDN)–Kulan lagu lafo gurayey sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen arrimaha siyaasada beelah la hayb-sooco islamarkaana uga dhex muuqan lahaayeen saaxada siyaasada ayaa lagu qabtay Hotelka Rays  ee magaalada Boorame, kaasi oo ay ka qayb galeen masuuliyiin xukuumada ka tirsan, salaadiin, aqoonyahano, iyo xubno ka mid ah dhalinyaradda iyo haweenka beelaha la hayb sooco  ee ku nool gobalka awdal, iyo xildhibaan ka tirsan golaha deeganka ee Boorame.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey ururka wadaniga ah ee magaciisa la yidhaa VOSOMWO (Voice of Somaliland Minority Women Organization ) ama ururka codka Haweenka laga tirada badan yahay kaasi oo ay taageero maaliyeed ka gaysatay haayada caalamiga ah ee NED.

Shirkan oo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada la hayb sooco ee ku nool  Boorame ,kaasi oo  la xidhiidha sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen doorashadda Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto daba-yaaqadda sanadkan.

Ugu horeyn waxa furitaankiisii ka hadashay, Marwo. Nimco Iid Salaan oo ka warbixisay hawlaha u qabsoomay ururkuda iyo ujeedada kulankani salka ku hayo ee la xidhiidh ka qaybgalka siyaasada beelaha la haybsooco, isla markaana sheegtay ururkani in uu ku howlan yahay wacyigalinta ka qayb qaadashada beelaha la hayb-sooco sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen isla markaasna u heli lahaayeen wixii xuquuq ah ee ay xaq u leeyihiin.

Arimahaas oo dhinacyo badan taabanaya waxaa hadaladeedii ka mid ahaa “sanadkii hore iyo sanadkanba waxaan wadnaa barnaamij aanu ku wacyi galineyno sidii dadka la haybsooca ugu qaybqaadan lahaayeen siyaasada wadanka, sidaasi daraadeed kulankani waxaa uu hordhac u yahay kulano kale oo aan ka qaban doono dhamaan gobolada wadanka Jamhuuriyada Somaliland hadii ala yidhaa, hadii aan ka hadlo ujeeda kulankan iyo kuwa soo socda waxay tahay in lagu wargeliyo beelaha la haybsooco qaybahooda kala duwan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen doorashada iyo nidaamka dumuqraadiga ah ee dalka ka hana qaaday oo ay ogaadaan in la dooran karo ,waxna ay dooran karaan ,islamarkaana ay ku dadalaan sidii ay uga qayb qaadan lahayeen golayaasha barlamanka ,iyo deegaanka, waxaa kale oo kamid ah ujeedooyinka, in dadka lahayb sooco laga qayb galiyo fursadaha waxbarasho iyo shaqo ee dalka ka jira .

Nimco sidoo kale waxay faahfaahin dheer ka bixisey barnaamijyada ay ugu howlan yihiin sidii bulshada la haybsooco looga saari lahaa arimaha ku gadaaman ee dhinacyada nolosha aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, shaqada isla markaana ay uga qaybqaadan lahaayeen siyaasada dalka iyo shaqooyinka kala duwan ee haayaddaha dalka ka jira
waxay ka hadashay doorka siyaasaddeed ee ay beelaha la haybsoocaa ku leeyihiin Somaliland.

Somaliland waxa ka hana qaaday hanaan dimuqraadi ah, kaasoo cid walba u saamaxaya inuu ka qayb qaato siyaasadda dalka, inkastoo hanaankaasi aanu noo suurogelin in beelaha la haybsoocaa ku soo baxaan ka qaybgalka siyaasaddeed ee dalka, dedaal dheer ka dib waxay fursad u heleen inay helaan wixii ay dalbanayeen oo ahaa kuraas kooto ah, arrintaasna waxa ammaanteeda leh Xukuumadda manta jirta.

Madaxweynuhu wuxuu u gudbiyay golaha wakiillada kootooyinkii ku saabsanaa dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay, taasoo beeshu ay cabasho ka muujiyeen saamiga ay ka heleen labda gole.

Waxa ay sheegtay saluuga ka taagan saamiga beelaha laga siiyay goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada. Iyado oo arintaa ka hadlaysa waxa ay tidhi waa laga fiican yahay in la yidhaa lixda gobol min xubin haka doortaan beeshu.

Wakiillada iyo Guurtida, saamigaas oo aan ahayn mid u cuntamay beelahaas. Waxa anan ka codsanayaa Golaha Wakiillada inay ka dooddaan arrintan, isla markaana loo kordhiyo kuraasta goleyaasha ee beelaha la haybsooco.

Waxa aan ugu baaqay goleyaasha sharci dejinta iyo xukuumadda inay u kordhiso kootada kuraasta beelaha laga tirade badan yahay.
Waxaan doonayaa inaan ka hadlo arin ka dhacday Boorame , waxa   ka dhacday magaalada Boorame mudo laga joogo lix biiloda,in lagu xidha-xidhay dad ka soo jeeda beelaha lahayb sooco ee ku nool gobalka awdal garahna magaalada Boorame kadib marki lagu eedeeyey in ay ka danbeeyen geeridi ku timida wiil ku geeriyoday magaalada Boorame , Dhamaan Dadkaa oo lagu Eedeeyey Arinta wiilkaa,Waxay xidhan yihiin mudo lix bilood ah .

Qofka danbi waa lagu soo eedeyn karaa waana in la baadhaa oo la cadeeyaa In qofku danbi leeyahay iyo inaanu lahayn hadii markaa la ogaado inuu danbi leeyahay waa in danbiga lagu qaadaa hadii lagu waayana waa in la sii daayaa.
 Waxaanu ka codsanaynaa hayadaha garsoorka ee Boorame in si dhakhaso ah maxkamada u hor keena dadkan oo hadii danbi leeyahin lagu qaado hadii lagu waayana waa in la sii daayaa.

Nimco waxaa kale oo ay u mahadnaqday dadkii ka soo qaybgalay iyo waliba hayadda NED oo ah Haayada Maalgalisay aqoon is waydaarsigan iyada oo sheegtay in ay marar badan ka taageertay barnaamijyo kala duwan oo ku qotomo beelaha la hayb-sooco.

Waxaa kale oo isna halkaas ka hadley Suldaan Ibraahim Axmed Dacar oo ah suldaanka beelahaas ee gobalka awdal ayaa isagu sheegay in kulankani uu yahay kii sadexaada ee lagu qabto Boorame ee lagaga hadlaayey sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen ka qaybgalka siyaasada dalka loogu abuuri lahaa fursado shaqo iyo waxbarasho beelaha lahayb sooco ee ku nool gobalka awdal.

Waxaa kale oo suldaanku sheegay in shaqadii dadkni qaban jireen ee ahayd tumista biraha, kaba tolista iyo waliba timo jarida oo ay ka daba yimaadeen tiknoolajiyada casriga ahi kana saartay meesha, kuna soo hadheen GIRGIRE keli ah girgirihiina imika laga daba keenay wax layidhaa SOMGAS oo ah shoolad wax lagu karsada, gudniinkii waxaa la yidhi waa la joojiyey.

Umushiina waxa la yidhi waxaa laga qaadayaa teetano, markaas waxaan ku baro kacnay gudihii wadanka, waxaanse dadkayagan usoo jeedinaya in ay ka qaybqaataan waxbarashada oo caruuraha wax la baro sida dadka kale waayo waxaan ku kala duwan nahay ma jiraan, isku muuq iyo isku af iyo diin ayaan nahay meel laynaga haysto garen mayo ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Dacar

Suldaanka ayaa sheegay In farsamooyinka casriga ahi ay saamayn ku yeesheen oo ay shaqo tireen qeybo ka mid ah bulshadda la haybsooco sida tumaalaha biraha iyo maacuunka.

Waxaanay soo jeediyeen in loo sameeyo mashaariic shaqooyinka farsamadda gacanta loogu abuurayo.

Suldaanku waxaa uu u mahadnaqay u soo jeediyey ururka VOSOMWO oo uu ku tilmaamay in uu yahay urur wax badan u qabtay horumarka beelaha la hayb-sooco ee ku nool Somaliland.

Waxaa isaguna  halkaasi ka hadalay Suldaan C/Raxman Jaamac Dhawal oo sheegay in aannu jirin wax la yidhaahdo hayb-sooc, balse waqtigan lagu tartamayo aqoon, isago oo xusay in dadka laga tirada badan yahay looga baahan yahay inay ku dhiirradaan ka qaybqaadashada talada dalka, isla markaana kaalintooda buuxiyaan.

Waxa uu sheegay inuu aad iyo aad uu u garawsan yahay xuquuqda dadka la haybsooco isla markaana uu diyaar u yahay in uu la qabto, Waxa uu cadeeyay in dadkaasi la quudhasaday loona baahan yahay in laga gudbo oo xuquuqda iyo adeegayada bulshada si siman looga wada faa’iidaysto dhamaan muwaadiniinta dalka, waxaa kale oo uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin loo gaysat beelaha lahayb sooco ee ku dhaqan Somaliland waxaanu sheegay inay lagama maarmaan tahay wax ka qabashada xadgudubyada lagula kaco beelaha lahayb sooco ka Suldaan ahaana u diyar u yihay ariintasi.

Waxa shirka furitaankiisii ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal, waxaanu sheegay in beelaha la haybsoocaa ay ku soo bixi karaan doorashadda Goleyaasha deegaanka haddii ay is abaabulaan isla markaana cududooda mideeyaan.

Guddoomiye Ku xigeenku wuxuu sheegay inay Goleyaasha deegaanka ee dalka uu ku jiro xildhibaan ka soo jeeda beelaha la haybsoocaa Golaha deegaanka ee degmadda Boorame taasina ay sharaf u tahay gobolka Awdal.

Guddoome Ku xigeenka Gobolka Awdal waxa uu xisbiga Talladda haya ee KULMIYE ku ammaanay in Mudanahan ka soo jeeda beelaha la haybsooco ee golaha deegaanka ee Boorame uu ka soo baxay xisbigaasi,gudoomiye ku xigeen ka gobolka Awdal cabdi nuur sugaal ayaa soo dhaweeyay ururka waday ama qabanqaabiyey shirkan  iyo cida ka kaal maysay wuxuuna til maamay in ay ka qay qaataan doorashooyinka iyo tartanka dawladaha hoose ee soo socda. sidaa suuna dal kii sii ku soo xiday.

Waxa kale oo ka hadlay shirkasi Iskuduweyaasha wasaaradda diinta iyo awqaafta ee gobolada Salal iyo Awdal Sh. Ibraahim Aw Kaariye iyo Sh. Xaamud Axmed Nadiif,oo sheegay in diinta islaamku dadka sintay islamarkaana dadku yahay isku mid isla markaana la soo gaadhay wakhtigii la suulin lahaa caadooyinkan xun xun ee ku salaysan dhaqanka ee lagula kaco beelaha lahayb sooco,waxaanu sheegay in uu aad iyo aad u soo dhewaynaayo kulankan lagaga hadlaayo xuquuqda dadka lahayb sooco iyo kuwa la midka ahba kana uu yahay kii ugu horeeyey ee lagu qabto gobalka sanaag taasina ay xaanu sheegay in uu ka shaqaalaysiin doono laba qof muujinayso in talaabo wanagsan horle loo qaaday si loo suuliyo dhaqamada xun xun ee lagula kaco beelaha lahayb sooco.

Wasaarad ahaana ay diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan wixii kala soo gudboonaada arimahaas ,waxa uu u mahadnaqay ka soo qayb galayaasha kulankan iyo ururkii soo qabanbaabiyey ee VOSOMWO waxaa kale oo uu u mahadnaqay haydii maalgalisay in uu qabsoomo kulamkani ee NED

SDN-Borama

contact@somalidiasporanews.com