|

Kulmiye oo weeraray madaxda Axsaabta Qaranka

Hargeysa (QJ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale cadeeyay damaciisa mudo kororsi iyo qorshe uu axsaabta qaran maslaxa siyaasada uga saarayo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidaa ka sheegay munaasibad lagu xusayay 20 guurada kasoo wareegtay markii la aas aasay xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye, uu taageerayaa furista urrurada, isla markaana ay tahay arrin sharci ah, taas oo arin xaqiiq aad uga fog.

Madaxda Xisbiga Kulmiye ee ka hadlay xaflada Kulmiye ayaa axsaabta mucaaridka qaab reereysan oo colaadi ku dheehan tahay u weeraray.

Axsaabta dalka ayaa todobaadkan u balansan ka hadalka khilaafka doorashooyinka dalka, mase cada wax naf leh oo ka soo bixi kara.

Somaliland ayaa gooaankan dib loogu dhigay doorashooyinka madaxweynaha ee November 13,2022 waxa ay dhaxalsiin kartaa burburka dimuqraadiyada iyo xasilooni baahsan

Comments are closed