|

Daahir Riyaale oo ka jawaabay beenta Kulmiye in qarinmada Somaliland aaminsan yahay

Paris (SD) – Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta markii u horeysay ka jawaabay sheegashooyinka Kulmiye ee la xiriirtay isgarabtaaga Somaliland.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo lagu xusuusto isku heynta iyo horumarinta dimuqraadiyada Somaliland ayaa sheegay in Kulmiye aanu marna qiran in doorashadii 2003dii looga badiyay.

” abdilaahi Jawaan oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Komashanka ayaa ku dhawaaqay doorashadii 2003 in 80 cod inaan ku heley ayuu marki hore sheegay , kulmiye markaa may hibeyn oo may aqbalin in laga heley , maxkamada sare ayay dacwad u qorteen , markii maxkamadu tirisayna 223 iyo dheeraad ayay xukun maxkamadeed ku soo saartay inaan ku heley , rag Kulmiye ah ayaan maalin walba dhageysta oo ku dooda inay 80 cod kaga tageen 2003 , taas oo ah been qaawan oo umadda reer Somaliland ay la hor taagan yihiin oo aanay ka xishoonin “ayuu yiri Madaxweyne Kaahin oo Sahan Tv u waramay.

Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa sheegay in mudo xileedkiisii aaney Kulmiye maalina ka qeyb qaadan maalmaha qaran ee Somaliland.

” Sideedii sanadood ee aan xilka hayay maalin kastoo qaran marti qaad ayaan xisbiga Kulmiye u fidin jiray maalin kaliyana kamay soo qeyb galin xaflad qaran oo aan ku marti qaaday xisbiga Kulmiye “. ayuu yiri Madaxweyne Kaahin.

Madaxweyne Kaahin ayaa sheegay in Kulmiye ku faano been maalin walba halka isagu aanu ka hadal guulo xusid mudan oo uu gaaray.

” Waxaanay faan u lahayn ayay maalin kasta dadka la hor taagan yihiin , si aan uga hor joogsado oo umada mar dambe faanka been sheegashada aanay umadda ula hor iman ayaa isoo kicisay maanta “ayuu yiri Madaxweyne Kaahin.

Daahir Riyaale ayaa tusaale u soo qaatay in Kulmiye ay diideen in reer Somaliland kala qeybgalaan xalad Baarlamaanka UK loogu qabtay Somaliland iyo aqoonsigeeda iyaga oo London ku sugan yihiin Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili dalku galay marxalad siyaasadeed oo xisbiga Kulmiye doonayo in uu mudada ku kororsado, xisbiyada iyo taariikhda madaxda dalkana uga been sheego.

 

Comments are closed