|

Kulmiye oo xunbihiisa kala baxaya Guddida doorashooyinka

Hargeysa (QJ) – Guddoomiyihii hore ee guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyoraac ayaa xubinimada gudiga iska casilay, tilaabada ayaa qeyb ka ah qorshaha xukuumada Muuse Biixi ee mijo xaabinta hanaanka doorashooyinka Somaliland.

Arrintan ayaa ay xukuumadu uga gol leedahay in caalamka loo muujiyo in khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyihii hore ee guddiga Doorashooyinka Somaliland gidiga doorashooyinka dhawaan xilka ka qaadeen isla markaana ay doorteen guddoomiye cusub.

Xukuumada ayaa hore ugu qancisay qaar ka mid ah xubnihii Kulmiye ee ka mid ka ahaa guddida doorashooyinka Somaliland.

Waxa haatan si weyn uga socda Somaliland abaabulo mudaharaadyo ka dhan ah carqaladeynta hanaanka doorashooyinka dalka oo ay abaabulayaan axsaabta qaran.

Xukuumada ayaa dhankeeda sheegtay in aan dalka wax mudahaarad ah lagu qaban karin.

 

Comments are closed