|

Taliye Dabagale oo u hanjebay taageereyaasha xisbiyada mucaaridka

Hargeysa (QJ) – Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa maanta lagu wargeliyay in ay heegan buuxa galaan, kadib mudaharad xasiloon oo ay ku baaqeen madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqandhi (Dabagale) ayaa fariin adag u diray cidkasta oo ku foogan ka qeyb qaadashada isu soo baxa salmiga ah ee axsaabta qaranku ku baaqday.

“Ma jiro mudaharaad ee guryihiin jooga. Gacan bir ah ayaanu ku qabanaynaa cidii ka qeybqaadata mudaharaadka” Taliye Dabagale oo Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland sidaa ugu hanjabay.

Taliyaha ayaa intaa ku daray “Laga bilaabo imika ciidamadeena heegan baynu galinaynaa, waxaynu u diyaar garoobaynaa dhacdo kasta oo howlaha shaqaaqooyin keena qaranka ku saabsan”.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa kulan warbaahineed oo ay dhawaan Hargeysa ku qabteen ka sheegay in ay qaban doonaan mudaharaadyo dalka lagu badbaadinayo.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa ka soo horjeestay mudo kororsi ay sheegeen in madaxweynaha Somaliland damacsanyahay

Comments are closed