|

“Kuwa nalagu eedaynayo inaan Shaqada ka erinay, Iyagaa dawladda Khaayimay ee haka Xammaashaan Suuqyada..” Madaxweyne Erdugan & Badheedhihiisa Sannad Guuradii 1aad ee Inqilaabkii Dhicisoobay

Istanbul 17. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan, ayaa ku eedeeyay waddamada Galbeedka munaafaqnimo, xilli habeen hore uu dalkiisa xusayo sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay afgembigii fashilmay ee Guutooyin Ciidammada Turkiga ka tirsani isku dayeen inay inqilaabaan Dawladda oo ku Beegnayd Habeenimadii 15-ka bishii July 2016-kii.

 

Dalka Turkiga waxaa ilaa shalay ka dhacaya munaasabado iyo isu-soo baxyo dhawr ah oo lagu xusayo sannad-guurada koowaad ee kasoo wareegtay afgembigii fashilmay ee ka dhanka ahaa Dawladda Madaxweyne Rajab Tayid Erdogan.

15-ka July, ayaa waddankaasi looga asteeyay maalin fasax Qaran ah, iyadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid beddeshay taariikhda Turkiga.

 

Dawladda Turkiga, ayaa Shaqada ka eriday 150 Kun oo Ruux oo isugu jira Ciidammo, Garsoorayaal iyo Hawl-wadeenno Hay’adaha Garsoorka ka hawlgalayey, Aqoonyahanno Jaamacadaha wax ka dhigi jiray iyo Shaqaale kale oo laamaha kala duwan ee dawladda ka tirsanaa, waxaanay Xabsiyada ku gurtay in ka badan Konton kun oo Qof oo u badan Ciidammo Millateri iyo Boolis ka tirsanaa iyo Hawladeennada kale ee Laamaha dawladda ka hawlgalayey, kuwaas oo dhammaan lagu eedeeyey afgembiga fashilmay.

 

Ankara ayaa ka dooneysa Maraykanka inuu Turkiga ku wareejiyo wadaadka Fethullah Gulen, oo ay sheegtay inuu ka dambeeyay isku-daygaasi afgembi. Madaxweyne Erdogan, ayaa dalbaday in marnaba aan wax damqasho ah loo muujin kuwa shaqada laga tiray.

Madaxweyne Erdogan oo maqaal ku qoray Wargeys dalkaas ka soo baxa, ayaa sheegay in aanay wax marmarsiiyo ah haysan dalalka saaxiibka la ah Turkiga ee sugayey inta ay ka kala caddaanayso xaaladda isku-daygii afgembi.

 

Waxa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay magangelyo siiyeen Xulafada Wadaadka Mastaafuriska kaga maqan Turkiga ee Fethullah Gulen, oo ah Wadaad fadhigiisu yahay Maraykanka, isla markaana Erdogan ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Afgembigaas Shacabku fashiliyey.

 

Mar uu Madaxweyne Erdogan ka jawaabayey eedaha ay dawladaha Yurub iyo Ururrada Xuquuqda Aadamuhu ugu jeediyaan dawladdiisa inay ku tacaddiday xuquuqda Muwaaddiniin 150 Kun oo Ruux ka badan oo Shaqooyinkii ay hayeen laga caydhiyey, waxa uu ku dooday in Dadka ay Dalalka Yurub ku eedaynayaan in Shaqooyinka laga eryey ay galabsadeen oo ay dawladdoodii khaayimeen, sidaa daraaddeedna aanay dawladdu masuul ka ahayn daryeelkooda.

 

“Dawladdooda ayey khiyaameeyeen kuwa aannu shaqooyinka ka caydhinnay, u jixinjixi meyno, dawladdu masuul kama aha daryeelkooda, maxaannu u daryeelaynaa? Haka Xamaashaan Suuqyada, dawladdu noloshooda hore ayey u dhistay, iyagaa khiyaamo ku kacay, inay suuqyada meeraystaanna waa galabsigooda, markaa Dhabarkooda ha rartaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Turkiga.

 

Madaxweynaha Turkiga, ayaa sidoo kale ku gacan-saydhay eedeymaha ah in Dawladdiisu  ay gacan bir ah ku qabatay Dadka lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen isku-daygii inqilaabkaa dhicisoobay.

Comments are closed