|

Madaxweynaha Cuba Raul Castro oo dhaliilay Siyaasadda Dhigiisa Maraykanka Donald Trump ee Wax ka bedelka Xidhiidhkii Cuba

Cuba 17. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Cuba, Raul Castro, ayaa markii ugu horaysay si shaac baxsan u dhaliilay siyaasadda uu madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, wax kaga bedelayo xiriirka ay dhawaan labada dal dib usoo ceshadeen.

Madaxweyne Raul Castro ayaa sheegay inuu guuldaraysan doono isku-day kasta oo lagu waxyeelaynayo kacdoonkii Cuba.

Madaxweyne Trump ayaa adkeeyay in shirkadaha Maraykanka ay u safraan ama ganacsi la sameeyaan jasiiraddaasi shuuciga ah, balse waxaa weli shaqeynaysa safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay Havana, oo uu dib u furay madaxweyne Obama.

Warbaahinta dowladda Cuba ayaa soo xigatay in Raul Castro uu ku tilmaamay go’aanka Trump mid ku salaysan cadawtinimo hore iyo ka shaqeynta in labada dal ay sii kala fogaadaan.

Madaxweyne Raul Castro ayaa intaa ku daray in maamulka Trump aanu khalkhal gelin karin xuquuqda aadanaha ee Cuba, oo uu ku sheegay mid ay ku faraxsan yihiin heerka ay hadda joogto.

Raul Castro ayaa madaxtinnimada Cuba isaga degi doona todobo bilood gudahood, balse waxa uu sii ahaan doonaa hogaamiyaha xisbiga shuuciga ah ee dalkaasi u taliya.

Comments are closed