|

La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Arrimaha Doorashooyinka oo Cadeeyay in La Kala Qaaday Labada Doorasho ee Isku Lamaanaa ee Madaxtooyada Iyo Wakiiladda & Go’aankii Maxkamada Distooriga ahi Halka uu Ku Danbayn doono!!! DAAWO

JAWAANHargaysa 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- La Taliyaha Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Arrimaha Doorashooyinka C.laahi Xaaji Cumar (C.laahi Jawaan) ayaa Dibada soo dhigay Warar Mudooyinkanba lagu faafinayay baraha ay Bulshadu ku Xidhiidho kaas oo odhanayay in Xukuumaddu rabto inay Kala Qaado Labada Doorasho ee Isku Lamaan ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda oo Ku Mudaysan Horaanta Sannadka Cusub ee 2017.

Cabdilaahi Jawaan ayaa Cadeeyay inay hada diyaar tahay oo Keliya Doorashada Madaxtooyadda,Ilaa iyo Hada lama Oga Sida ay Xukuumaddu u Burin Karto Go’aankii Maxkamada Distooriga ahi ay Ku Shaacisay inay Is raacaan Labadan Doorasho.

Comments are closed