|

La Taliyaha Sharci ee Golaha Wakiiladda oo Qoraal Ka soo Saaray Qaraarkii Maxkamadda Sare ee Khuseeyay Khilaafka Golaha Wakiiladda

Hargaysa 16. August 2017 (SDN/QJ):- La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir, ayaa  soo saaray qoraal uu iftiimin sharci kaga bixiyey jawaabtii Maxkamadda Sare ka soo saartay dacwaddii uu u gudbiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.

Qoraalka iftiiminta ah ee uu soo saaray Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir shalay, waxa uu ku sheegay in Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ay caddaysay in doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada loo maray dariiq sharci oo waafaqsan xeer-hoosaadka u yaal Golaha, maadaama aanay jirin cid durtay amma diidmo kala hortimi nidaamka loo maray coddaynta iyo doorashada guddoomiyahaba.

Qoraalka uu soo saaray La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada oo faahfaahsan, waxa uu u qornaa sidan;

“UJEEDO: IFTIIMIN SHARCI: QARAARKII JAWAABTA EE MAXKAMADA SARE

HORDHAC

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu isagoo gudanaaya waajibaadka Dastuuriga ee ku cad qodobka 53aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qodobka 14aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada oo tilmaamaya xilka Guddoomiyaha Golaha ee Fulinta iyo ku-dhaqanka Xeer-hoosaadka, ilaalinta nidaamka Golaha iyo habsami-u-socodka hawlaha Golaha oo dhan” isagoo qodobkaa ka duulaya wuxuu ii soo gudbiyay qoraal ka yimmi Maxkamadda Sare Jamhuuriyadda Somaliland ee hoos ku xusan si aan uga soo bixiyo TALO SHARCI,  ugana guto xilka iyo masuuliyadda La-taliyaha Sharciga Golaha ee uu tilmaamay qodobka 52aad ee Dastuurka.

  1. TILMAAMID IYO IFTIIMIN SHARCI

Golaha Wakiilladu isagoo gudanaya waajibaadkiisa, ixtiraamayana Saldhigga iyo Saraynta Dastuurka ee uu xusay qodobka 128aad,  isla markaana ilaalinaya haybadda iyo awoodaha Waaxda Garsoorka ee uu Dastuurku u gaar yeelay  qodobadiisa 97aad, 98aad, 99aad, 100aad, 101aad iyo 102aad, wuxuu Golaha Wakiilladu u iftiiminayaa  ummadda uu wakiilka ka yahay arimahan sharci ee soo socda:

In Jawaabtii rasmiga ahayd ee ka soo baxday Maxkamadda Sare, kuna  saxeexnaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadam Xaaji Cali iyo afarta Garsoore ee ka tirsan Maxkamadda Sare, tix-raaciisuna ahaa MD/DD/04/2017, kuna taariikhaysnaa 12/08/2017ka nuqul ka mid ahna uu Golaha soo gaadhay isla taariikhdaas  12/08/2017 ay ujeedadadeedu ahayd ka Jawaabis arjigii dacwadda ee uu Maxkamadda Sare u soo gudbiyay dacwoode Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle,  iyadoo u kala dirtay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Farah iyo Xil. Cabdiraxmaan  Maxamed Talyanle, iyadoo go’aamisay in arjiga dacwadda uu xildhibaan Talyanle u soo qortay Maxkamadda Sare ee uu ku dalbaday “in laga aqbalo dacwadiisa” ay Maxkamaddu dalabkaas ugu jawaabtay iyadoo SI CAD U IFTIIMISAY in aanu waafaqsanayn qodobada sharci ee khuseeya Maxkamadda Dastuuriga ama garsoorkaba, iyadoo xustay in aanay jirin dacwad dastuuri ah oo waafaqsan qodobka 98aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Somaliland oo tilmaamaya Awoodaha Garsoorka u gaarka ah oo noqonaya:-

Inuu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha Dastuuriga ah iyo xeerarka degdega ah, iyadoo la raacayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadwaynaha oo dhinac ah amma dadwaynaha dhexdooda ah

Inuu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsannaanta Dastuurka Somaliland

In Qoraalkan Jawaabta ee ay soo saartay Maxkamadda Sare ee tix-raaciisuna sare ku xusan yahay ay Maxkamaddu ku caddeysay in fadhigii Golaha Wakiillada ee qabsoomay 06/08/2017 ee lagu doortay Guddoomiyaha Cusub Mudane Baashe Maxamed Faarax uu waafaqsanaa xeer-hoosaadka golaha, natiijadii codadka ay kala heleena uu aqbalay Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, sidaana uu ku ansaxay, iyadoo ay Maxkamaddu u cuskatay qodobada Xeer-hoosaadka ee 42aad oo ka hadlaya Qaabka Codaynta loo qaado oo tilmaamaya in Guddoomiyaha Golaha/Gudoomiyaha Fadhigu uu awood u leeyahay in uu ku dhawaaqo Natiijada Codbixinta la kala helay, taas oo macnaheedu noqonayso in gabi ahaanba la waafaqay faqradaha qodobkaasi, maadaama aanay jirin cid durtay habka (Procedureka) loo coddeeyay ka dib natiijada codadka lagu kala guulaystay.

Gabagabadii Jawaabta Maxkamaddu waxay tilmaantay in wixii khilaafa ee Golaha dhexdiisa loo raaco Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, iyadoo u cuskatay qodobada 37 iyo 42aad ee isla Xeer-hoosaadka Golaha.

  1. GABOGABO

Qoraalkan talada sharci, waxaan ku soo gunaanadayaa, iyadoo la dhawrayo milgaha iyo maamuuska uu Golaha Wakiilladu huwan yahay, taas oo uu dastuurka qodobkiisa 39aadna caddeeyay in uu Golaha Wakiiladu bulshada wakiil ka yahay, in wixii khilaafa ee golaha dhexdiisa lagu dhammeeyo isku tanaasul, is qancin iyo isku laab xaadhnaan, laguna xaliyo habka xilgudashada iyo xalinta khilaafaadka ee Xeer-dejinta,” ayuu yidhi La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Comments are closed