|

Laascaanood: Qiimaha Laydhka Oo Mar Keliya Kor U Kacay Boqolkiiba Konton Iyo Dadweynaha Oo Cabasho Xoogle Ka Muujiyey!!

Laascaanood 20. November 2017 (SDN/QJ):-Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa Cabasho Xoogle ka muujiyey Qiimaha Laydhka oo la kordhiyey.

Shirkad Magaceedu yahay Gurmad oo Laydhka siisa Qaybo ka mid ah Magaalada Laascaanood, ayaa Farriimo ay Dadweynaha ugu dirtay Moobillada waxay ku sheegtay in Qiimaha Halka YUNIT ee Laydhka ah laga dhigay 0.8 Dollar, halkii uu hore uga ahaan jiray 0.3 Dollar.

Qiimaha lagu kordhiyey Laydhka oo ah Boqolkiiba konton, ayaa Cabasho ka muujiyey Dadweynaha Magaalada Laascaanood, kuwaasi oo sheegay in aanay dhaqaale ahaan awoodin Lacagta lagu kordhiyey Laydhka, waxayna Shirkadda kordhisay qiimaha Laydhka ugu baaqeen inay u naxariisto Shacabka.

Dadweynaha oo Warbaahinta la hadlay Shalay, ayaa  qaarkood sheegeen in Qiimaha Laydhka ee la kordhiyey ku qasbayo inay shitaan Faynuusyada yaryar ee Gaasta “Sicir-bararka Laydhku waa Khalad, markii hore halka YUNIT (Unit) wuxuu ahaa 0.3 Dollar, imikana waxa laga dhigay 0.8 Dollar, Qiimahaa lagu shidan karo maayo Laydhka, oo waxaanu shidanayna Faynuusyada (Gaasta).” ayuu yidhi, mid ka mid ah Waayeelka Laascaanood oo arrintan ka hadlay.

Mid ka mid ah dhallinyarad wax baratay ee Reer Laascaanood oo isaguna arrintan dareenkiisa ka dhiibtay ayaa yidhi “Shirkadaha Laydhku waxay Dadweynaha Laascaanood u soo direen Farriimo ay ku sheegayaan in Qiimaha Laydhka la gaadhsiiyey 0.8 Dollar halkii YUNIT-ba. Farriinta aanu Shirkadaha Laydhka u diraynaa waa in Dadka Magaalada Laascaanood deggani yihiin Dad Jilicsan oo aanay bixin karaynin Lacagta intaas leeg, Dadweynuhu Lacagtan ma qaadi karaan.”

Mid kale oo ka mid ah Dadka Reer Laascaanood ee ka hadlay Sicir-bararka Qiimaha Laydhka Laascaanood, ayaa yidhi “Maxamed Jabuutaawi markuu Laascaanood keenay Laydhka wuxuu lahaa Tollaayeey, I garab istaaga ayuu lahaa Reer Laascaanoodoow, Maanta hadduu Qiimihii Laydhka ka dhigay 0.8 Dollar wuxuu Dadweynaha ka soo saarayaa Lacagtii Ololaha Doorashada ka gashay.”

Comments are closed