Hargaysa 22.Oct 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee Muxaafidka iyo Mucaaradka kala ah, ayaa eedaymo iyo hanjabaado kulul is-weydaarsaday, isla markaana Mudanayaasha Muxaafidka ah, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ku kacay sharci-jebin haddii uu Golaha Furo iyadoon arrintaas la sixinna ay Xilka ka qaadi doonaan.
Hase-yeeshee, Xildhibaannada Mucaaradka ah oo Sharci-darro ku tilmaamay Dacawad ay Xildhibaannada Muxaafidka ahi u gudbiyeen Golaha Guurtida oo ka dhan ah Xeerka diiwaangelinta oo Wakiilladu ansixiyeen horena ugu gudbiyeen Guurtida oo ay Guurtidu u hakisay Dacwadda Xildhibaannada Muxaafadka ah.
Waxa Mudanayaasha Mucaaradka ahi ku hanjabeen haddii ay Muxaafidku keenaan Mooshinka ay sheegeen inay xilka kaga qaadayaan Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay iyaguna keeni doonaan Mooshin kale oo ay Xilka kaga qaadayaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
