|

Laba Wasiir oo Xukuumadda ka Tirsan Iyo Afhayeenka Madaxtooyada oo Hadal dareen Dhaliyey Ka Jeediyey Kulan Madaxweyne Siilaanyo la Yeeshay Safiirka Uk ee S.land iyo Somalia DAAWO

Hargaysa 31.August 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Ingiriiska u Qaabilsan Waddamada Somaliland Iyo Somalia Harriet Mathews oo Booqasho Ku Joogta Caasimada dalka ee Hargaysa.
Wasiiradda Arrimaha Gudaha Mudane Faratoon,Warfaafinta Mudane Caddaani iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Xuseen Dayr ayaa Markii Kulanku dhamaaday la hadlay Warbaahinta Dawlada Iyadoo aanay Sidii Caadada ahayd Goobtaasi ka Maqnayd Safiiradu Waxayna Qaab Saluug ka Muuqdo uga Warbixiyeen Waxyaabihii laga Wada Hadlay.

Comments are closed