|

Magacyada Iyo Beelaha Ay U Dhasheen Xubnihii Al-shabaab Ee Fuliyey Qaraxyadii Lagu Hoobtay Ee Ka Dhacay Gaalkacayo & Kuwii Qorsheeyay

Gaalkacayo, 31 August, 2016 (SDN/QJ): – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa Shalay soo Bandhigay magacyada iyo Beelaha ka soo jeedeen Dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo diyaariyey Saddex Qarax oo Toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Gaalkacayo qaybta Puntland.

Al-shabaabtii-Galkacyo-1Maamulka Puntland, ayaa Ciidamada Amniga faray inay soo qab-qabtaan Dagaalyahannada Al-shabaab ee ka dambeeyay Saddexda Qarax oo si is-xig-xigta uga dhacay Xarunta Dawladda hoose ee Magaalada Gaalkacayo, kuwaasi oo ay ku dhinteen Dad ka badan 30, kuna dhaawacmeen Dad ka badan 60 isla-markaana burburiyey Guud ahaan xaruntii Maamulka ee Gaalkacayo iyo weliba illaa 100 Guri oo loogu talo-galay in laga dhigo Suuq Dadweynuhu ku Ganacsado.

Puntland waxay sheegtay in Weerarradan oo dhammaantood loo adeegsaday Gaadiid laga soo buuxiyey walxaha Qarxa ay ka dambeeyeen isla-markaana isku dubba rideen ilaa shan Nin oo laba ka mid ahi Al-shabaab ku qaabilsan yihiin Qaraxyada iyo Dilalka Qorsheysan ee laga fuliyo guud ahaan Puntland iyo gaar ahaan Gobolka Mudug oo Gaalkacayo u tahay Caasimad.

Saraakiisha Al-shabaab ee ay Puntland sheegtay inay ahaayeen Maskaxdii ka dambeysay Qaraxyadii u dambeeyay ee Gaalkacyo ka dhacay 21-kii bishan August oo aan Midkoodna weli Gacanta lagu haynin, ayaa waxa Magacyadooda iyo Beelaha ay u dhasheen kala yihiin sidan:-

  1. Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED” Da’diisa: 40-45 sanno jir. ,Ku dhashay Gaalkacyo.una dhashay Beesha Cumar Maxamuud/ Reer Mahad. Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.
  2. Nuur Maxamed Cabdillaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ” Da’diisa: 45 sanno jir. Ku dhashay Koonfurta Gaalkacyo. Qabiilkiisa Sacad/Reer Hilowle. Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo Dilalka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.
  3. Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf, Ku dhashay: Gobolka Mudug. Beeshiisa: Dir/ Qubeys.
  4. Cabdishakuur Mire, ku dhashay Koonfurta Gaalkacyo. Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale.
  5. Muxyaddiin Dakharre. Ku dhashay Koonfurta Gaalkacyo, Beeshiisa Sacad/Reer Hilowle.

War-saxaafadeedka lagu baahiyey Magacyada iyo Qabiillooyinka ay ka soo jeedaan Saraakiishan Al-shabaab ee la raadinayo, ayaa sidoo kale lagu soo gudbiyey Nin Magaciisa lagu sheegay Cabdillaahi Fanax oo ah 22 Sano jir ku dhashay Deegaanka Ceel-waaq isla-markaana u dhashay Beesha Mareexaan/Uur-midig, kaasi oo Madaxtooyada Puntland sheegtay inuu waday Gaadhi Nooha ah oo ka mid ahaa Gaadiidkii loo adeegsaday Qaraxyada ka dhacay Dawladda Hoose ee Gaalkacayo isla-markaana ka mid ahaa Dadkii Naftooda Halligay.

Comments are closed