|

Labada Safiir ee Turkiga iyo Jabuuti u Fadhiya Magaalada Hargaysa oo sheegay inay ka shaqaynayaan Aqoonsiga Somaliland DAAWO

“Joogitaankayaga Somaliland  wuxuu ka dhigan yahay waa Aqoonsi doon” 

Hargaysa 30, September, 2016-(SDN/QJ):-Safiirada dalalka Jabuuti iyo Turkiga u jooga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa kasoo yeedhay hadallo muujinaaya inay Somaliland aqoonsadeen, hadalladaasi oo yididiilo xooggan galinaaya muwaadiniinta Somaliland oo iyagu in badan naawilaayay ictiraaf ay adduunyada ka helaan.

labada-safiirSafiiradan oo wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland magaalada Hargeysa ugu sameysay hadhimo-sharafeed ayaa waxa ay halkaasi ka jeediyeen hadallo ay ku taageerayaan jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo sheegay inay halkan u joogaan sidii Somaliland ay aqoonsi caalami ah u heli lahayd.
“Wasaaradda Khaarijiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, wasiir ku-xigeenka Axmed Kayse oo aan aad isku naqaanay iyo wasiirka cusub ee aan ugu nimid xafladda waxaan leeyahay soo dhawaada sida qiimaha badan ee aad noo soo dhaweyseen ayaan idiinka mahadcelinaynaa, jawaabta aad na weydiisateena intii karaankayagana waan idin garab joognaa waana idin garab jooji doonaa, joogitaankayagu wuxuu ka dhigan yahay waa aqoonsi doon.” Sidaasi waxa yidhi safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Mudane Xuseen Cumar Kawaaliye, isagoo intaasi ku daray “waxba Hagran mayno annaku dad walaalo ah baan nahay wada dhashay sina ku kala tagi mayno”

Comments are closed