|

Lamaane Naftooda Ku Waayey Lacag U Dhiganta 1, 700 Shilinka Somaliland Ah

Otar Bradish 01,Aug 2016 – (SDN/QJ): –Nin Gacansade ahaa oo tukaan ku lahaa magaalada Manbuuri ee ku taala Gobolka Otar Bradish ee Dalka Hindiya, ayaa lamaane is-qabay ku dilay deyn dhan 22 Santi, taasi oo ay Carruurtooda Buskud Tukaanka ugaga qaadeen.

Dalit-youth-killed-for-marrying-hindu-girlNinkan ayaa dilay Lamaanahan is-qabay, kadib markii ay goor subax soo hor mareen tukaankiisa, isagoo ku leh lacag Cadadkeedu ahaa 22 Santi oo Lacagta Maraykanka, taasi oo marka Shilinka Somaliand loo beddelo u dhiganta 1700 shilinka Somaliland.

Lamaanahan ayaa Tukaanka Ninkan Hindiga ah ka amaahday Buskud qiimo ahaan u dhigma intaa aynu kor ku sheegnay, waxaanu markii ay Tukaankiisa soo hor-mareen ka dalbaday inay iska bixiyaan Lacagta Deynta ah ee Carruuurtooda ugu qaadeen Buskudka, laakiin waxay ka codsadeen inuu muddo kale siiyo maaddaama oo aanay wakhtigaa Gacanta ku haynin Lacag ay iskaga bixiyaan.

Lamaanaha oo ka soo jeeda Dadka noloshoodu hooseyso ee Dalka Hindiya, ayaanu Ninka Tukaanka haysta wax jawaab ah ka siinin Dalabkooda ah inuu siiyo wakhti ay iskaga soo bixiyaan deynta, isla- markiina waxa uu la soo baxay faash, kadibna waxa uu isla goobti ku dilay lamaanihii uu ku lahaa deynta aan gaadhayn halka dollar.

 

Ciidanka dalka Hindiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ninkii falkan gaystay .

Comments are closed