Uncategorized

Loolankii Samaale iyo Muuse oo u wareegay Qurbaha iyo Jaaliyadaha oo ay Xamaasadi ka dhex bilaabantay

London 06/05/2013 (SDN)  Loolankii Xisbiga Kulmiye ee u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyaada Samaale iyo Guddoomiyeaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Cabdi oo ku sugan dalka Maraykanka  ayaa olalahoodii  u wareegiyey  Qurbaha, waxaana laga dareemayaa Ingiriiska iyo Maraykanka dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhex curtay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool Dalalkaasi.

 

Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu galin hore caga dhigtay dalka Maraykanka oo uu lugtiisa ugu horeysa ee Ololihiisa taageero raadiska ah ka bilaabay, halka koox kale oo ka mid ah hormoodka Ololihiisu ay dhaqdhaqaaq gogol xaadh ah ka bilaabeen Dalka Ingiriiska gaar ahaan magaaladda Bristol.

C/casiis Samaale ayaa isna Olole ku lidi ah kaas ugu kicitimaya toddobaadkan Dalka Ingiriiska halakaas oo ay taageerayaashiisu uga gacan haadinayeen beryahanba, waxaana la filayaa in uu lugta Ololihiisa ka bilaabo isagoo dalal kale mari doona.

 

Ilo wareedyo u dhuun daloola dhaq dhaqaaqyada Siyaaasadeed ee labadan Siyaasi ayaa sheegaya Taageerayaashoodu inay bilaabeen kulamo ay ugu gogol xaadhayaan, waxaana ka socda magaalooyinka Ingiriiska kulamo hoose oo diyaar garaw ah.

 

Wallow wararka Hordhaca ah ee soo gaadhaya qurbejoog  ay sheegayaan durtaba in ay bilaabmeen weeraro siyaasadeed oo ay taageerayaashu ku kala hororsanayaan sidii koox kastaa ugu awood sarayn lahayd soo dhaweynta Siyaasiga ay taageersan tahay.

Arrintan ayaa Jaaliyadda durtaba ka dhex abuurtay khilaaf xogan oo siyaasadeed sida goobaha laysku yimaado oo doodon culus ku dhex maraan iyada

oo  meelaha qaarkood ka aloosmay in la isku cadaysto loolan ka adag kii Hargeysa ku dhex maray taageerayaaasha labada Siyaasi, kaasoo qiiqiisii wali ku sii dhex jiro hawada Somaliland, balse imika u muuqda in uu u wareegay Qurbaha iyo fadhi ku diriryada laga soo waarido siyaasadda Gudaha Dalka.

 

Si kasta ha ahaatee waxa shaashadaha Telefishanada iyo Baraha Mareegaha lagala socon doonaa Loolankaasi halka uu sal dhigto, isagoo ku soo hagaagaya Xafladaha waaweyn ee qurbaha loogu qabanayo 18-ka May.

Qurbejoog.com

London Uk

samaale