|

Ma dhabaa in Ina Muuse Biixi Gooja-cade ku sugan yahay?

Caynabo April 14, 2023 (QJ) – Wiil uu dhalay Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan sirdoonka Guracan ee Somaliland ayaa xili lagu gudo jiro abaabulka dagaalkii u weynaa ee ka dhaca Laascaanood ka been abuurtay in uu ku sugan yahay xerada go’doonsan ee Gooja-cade.

Ina Muuse ayaa sawiro ay baahisay HEEGO lagu sheegay in ay ahaayeen qaar looga qaaday isaga qaaday Gooja-cade, oo haatan lama galaan ah.

Dadka degaanka Ceynaba ayaa noo xaqiijiyay in Ina Muuse maalmo ka hor degaanadooda soo gaaray si sawiradan looga qaado degaano duleedka Ceynabo ah oo u muuqaal eg Gooja cade, isaga oo isla markiina dib Hargeysa ugu noqday.

Sababta aaney haatan suurtogal ugu aheyn in Ina Muuse booqdo Gooja-cade ayaa lagu sheegay in ciidamada beesha uu ka soo jeedo iyo kuwa degaanka ee kawada tirsan ciidamada ayaa khilaaf gacan ka hadal sababay uu dhawaan jiida hore ku dhexmaray.

Baraha Bulshada ayaa dadku isla dhexmarayaan sababta saraakiil ciidan oo 70 jiro ahi isula sawirayaan inan aabihii oo qudhiisu bilaa sharci ku fadhiya xidig khalad ku siiyay ay sawir ka bixineyso heerka feejignaanta iyo mooraalka ciidamada Somaliland oo haatan wejahaya kacdoon qadiyadeysan.

Si kastaba ahaatee Ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood ayaa maalmaha soo socda wejahaya hujuunkii ugu weynaa oo ay SSC haatan qorsheyneyso, halka iyaguna ay isla sawirada Ina Muuse ku hawlanyihiin.

Comments are closed